berberatoday.com
“YURUB Hantidoodu waa RIBO, Xoolahoodu waa DOOFAAR, Cuntooyinku inta badan waa BAKHTI” Sheekh Dirir
April 30, 2016 - Written by Berbera Today

“Wiil dhaafi waayey Liibiya, ayaa Hooyadii intay canaanatay, tidhi [Ama hooyo tacsidaada hala ii keeno-ama Talyaaniga telefoon iiga soo dir.”

“Waxay weheshadaan EYGA, shaahoodu waa KHAMRI, xaragadooduna waa QAAWANAAN, diintoodu waa GAALNIMO..” “Dadkeena halkan (Somaliland) jooga waa ka qeyb mushkilada  in dadku dibedaha u qaxo, markay arkaan gurri la dhistay…” Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir.

SHEEKH MAXAMED SHEEKH CUMAR DIRIR

SHEEKH MAXAMED SHEEKH CUMAR DIRIR

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa sheegay in dadka jooga dalku qeyb ka yihiin sababaha abuura dhibaatooyinka dhalinyaradu kala kulmaan tahriibka, isla markaana raaciyey inay cabasho badan arrinkaa ka muujiyeen dadka reer Somaliland ee qurbaha jooga.

Mowduucan Sheekh Maxamed Dirir kaga hadlayey dhibaatooyinka Tahriibka oo qeybtiisii koowaad aanu hore idiinku soo gudbinay ayuu qeybta labaad ku bilaabay,

“Cadaabka tahriibka dadku waxay u marayaan aad gaadhaan Yurub, si aad dhibaatada Afrika duruufaheeda uga baxsatid, laakiin, dadkeena halkan (Somaliland) jooga qeyb ayey ka yihiin mushkiladaa in dadku dibedaha u qaxo, markay arkaan gabadh ama wiil gurri soo dhistay, meeshu doono haka keenee, kadibna waxay odhanayaan kii aad isku da’da ahaydeen, ama isku reerka ahayn gurri buu soo dhistee, adiguna ka dhaqaaji, oo wax soo kordhi.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey hal-hayso tahriibayaashu isku dhiiriyaan,  oo dadka qurbaha jooga uga sheekeeyeen ayuu yidhi,

“Waxa la sheegay wiil Liibiya dhaafi waayey Liibiya, Hooyadii intay canaanatay, tidhi [Ama hooyo tacsidaada hala ii keeno-ama Talyaaniga telefoon iga soo dir.] kelmed aad u naxdin badan oo warbaahinta qaarkood qoreen ayey noqotay.

Waxa kaloo jirta in dadkeena qurbaha dedaala ee ku fekera inuu dalkiisa ku soo laabto dadkeena halkan jooga ayaanu ka fadhiyi karin, maxaad soo doontay ayey odhan, halkani meeshii aad sannado horteed ka tagtay miyaanay ahayn, tusaalena waxa inoogu filan wiil intuu dalkiisa ku soo laabtay, diintiisa baranayey ayey dhalinyaradu u bixiyeen [Adam], ujeedadu tahay Nebi Adan-kii Jannada ka soo baxay, magaciisii looguma yeedho, laakiin waxay u yaqaanaan Adam, waa nin janadii Yurub galay oo ka soo laabtay.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in dadka jooga dalka ogaadaan markay dibedaha u qaxiyaan dadka si  dhaqaale uga helaan tahay mustaqbalkii caruurta iyo iimaankii dadka qurbaha oo la iibsanayo, waxaanu yidhi,

“Dhaqaalaha qurbaha laga helo waa mustaqbalkii iyo iimaankii dadka oo la iibsanayo, lacagta aad ku qaxweynayso waa iimaankii iyo diintii dadka yaryar oo la iibsanayo, wax la iibiyana ma istaahilaan, markaa mushkilada dadkeena gudahu qeyb weyn ayey ka yihiine, waa in lagu baraarugsanaado, Ilaahay yaanu idiin qabsan dadka qurbahee aad ka celinaysaan inay dalka yimaadaan, iyo kuwa dalka jooga aad qaxinaysaan.

Sheekh Dirir oo si weyn uga hadlayey muuqaalka dhinac walba wadamada gaalada ee dhalinyaradeenu halista iyo haligaada u gelinayaan nafahooda inay gaadhaan ayaa yidhi,

“xumaanta dhaqamada yaala dhulalka gaalada, qofka sannado kooban jooga, laga yaabe inaanay u muuqan, laakiin waxa dareema dadka muddo dheer ku noolaa, ama dadka waayeelka. wadamadan dadku u tahriibayaan hantidoodu waa RIBBO, xoolahooduna waa DOOFAAR, cuntooyinkooda inta badan waa BAKHTI, waxay weheshadaan EYGA, shaahooduna waa KHAMRI, xaragadooduna waa QAAWANAAN, diintoodu waa GAALNIMO, qofka dadka dhaqankaa leh intii gacmaha taaganay is-dhegtaagay ee yidhi, waan tashan kari waayee ii taliya, maxaad ka filaysaan!

Waxa la macaashayo waa ribbo, waxa la weheshanayo waa ey, dadku marka ay diidaan wehelka Alle, waxay weheshadaan eyda.

La soco qeybta dambe…..

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews