berberatoday.com
Fursadaha Qaaliga Ee Somaliland Kaga Lumaya Ka-Faaiidaysanla’aanta Hirdanka Ka Aloosan Mandaqadaha Inagu Xeeraan
May 1, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.net)-Isma laha baraadla’aanta Somaliland iyo fursadaha waaweyn ee uga banaanaaday inay danaheeda iyo himilooyinkeeda dhaw iyo fogba uga faaiidayso hirdanka cusub ee baryahanba ka aloosnaa mandaqadda inagu xeeran ee ka bilaabmaysa xeebaha Geeska ee koonfurta Badda Cas ilaa Khaliijka iyo Bariga Dhexe.

Madaxda Somaliland hore ayey u dayaceen oo loogu taag waayey inay fahmaan kuna gorgor-tamaan qiimaha istraatiijiyadeed iyo amni ee ay Somaliland u leedahay gobolka Geeska,Badda Cas iyo Khaliijka iyo dalalka kalee dunida ee hodanka ahba .Kaalinta ay Somaliland ka qaadato sugidda amniga mandaqadda ay ku taalo oo kaliya ayaa xaq u siinayey inay door muhiim ku yeelato go’aaminta talada siyaasadaha ururka Igad (iyo Jaamacadda Carabtaba ) ee masalan ku waajahan arimaha Somalia.Somaliland waxay hore  xaq ugu laheyd waqtigan xaadirka ahna xaq u leedahay inay ka shaqeyso sidii Somalia aan dawlad ogol madaxbanaanida Somaliland mooyaane mid kale uga dhismi laheyn.Hadii ay Somaliland maroorsan laheyd doorka gobaleed( regional role) ee ay xaqa u leedahay iyada ayaa loo soo mari lahaa arimaha Somalia iyadaana uga faro dhuudhuubnaan laheyd yamyamtan iyo qadaad weyntan shisheeyey ee maanta Xamar ka taliya.

 

Tobanaanka kun ee maraakiibta badeecadaha iyo saliidd sida ee caalamku leeyahay ,nabadgelyo kumay mareen gacanka u dhaxeeya Berbera iyo Cadan hadii aanay xeebaha Somaliland ka caaganeyn budhcad badeedda laakiin Madaxweynaha dawladda aan Xamar wada xukumin ee  Xasan Sheekh ayaa manfaci ay Somaliland laheyd isagu caalamka kaga abaal doonta markii ay xukuumadda Somaliland baylihisay dheeftii dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee uu dalkeedu ku heli lahaa taasoo ay ku badalatay inay sameyso NGO ku magacaaban ka hortagga budhcad badeeda oo cidda gacanta ku haysa kolba lacag yar loogu soo shubo.

Sidoo kale ma yara waxyeelada soo gaadhi laheyd nabadgelyada Geeska iyo caalamkaba hadii aanay Somaliland safka hore kaga jirin la dagaalanka ururada xagjirka ah.Hasa yeeshee khataraha  ay Somaliland dawladaha gobolka iyo dunidaba kaga gudbantahay waxa dheefteeda cuna oo maamus iyo qadarinba ku hela dawladaha jaarkeena macaa tan macmalka ah ee xamar fadhida maa daama ay Somaliland noqotay meel ay shisheeyuhu danahooda ka fushadaan balse aan iyadu waxba doonin.

Somaliland shalay waxay karaysay oo ay maantana awoodi kartaa hadii Ilaahay garansiiyo in cid kasta oo si dhab ah(fic-liyan) danaheedau  u tixgalin weyda aanay iyaduna kuwooda tixgalinin(tit for tat).Hadii ay mabda’aasi ku dhaqmi laheyd dhaqaale horumarineed oo la siiyo daayoo waxa waa hore Somaliland khasab loogu ogolaan lahaa in adcaful iimaan ay xubin goobjoog ah ka noqoto ururada Igad ,AU, Jaamacadda Carabta,Commnwealth iyo Qaramada Midoobay.Hadaba ahamiyaddaa hore ee ay Somaliland caalamka ugu fadhiday ayaa wax weyni ku soo kordheen tan iyo intii ay dagaaladu ka qarxeen Suuriya iyo waliba gaar ahaan dalka Yaman ee aynu jaarka nahay.Masar iyo dawladaha Khaliijka oo Turkigu ku lamaan yahay  oo isku dhinac iyo Iiraan oo dhinaca kale ah ayaa waxay si weyn ugu baahdeen Somaliland laakiin madaxweynaha Somaliland Axmed Siiraanyo isagoon gar naqsan oon shuruudo ku xidhan danihii dalkiisana ka foodhyeelin ayuu iska raacay dhincii Masar iyo Isbahaysiga Khaliijka ee uu Sucuudigu hogaamiyo kuwaasoo si sahlan u gaadhay ujeedadoodii aheyd inay Iiraan ka hor joogsadaan isticmaalka xeebaha Somaliand oo ah dhulka ugu haboon ee taakulayn hub iyo saadba leh looga gudbin karo Xuutiyiinta Yaman ee ay xulufada Carbeed ka go’doomiyeen cirka ,bariga iyo badaba.

Nasiib darro halkii uu madaxweynaha Somaliland dalkiisa uga faaiidayn lahaa fursadaha balaadhan ee diblomaasiyadeed,dhaqaale iyo milatari ee ka dhashay duruufaha iyo isbadalada cusub ee ku soo kordhay mandaqadda ayaa waxay taladiisii dhaafi wayday inuu xidhiidhkii Somaliland iyo dawladahii Isbahaysiga Carbeed ee uu taageeray gacanta u galiyo wiil jaahil ah oo qoyskiisa ka tirsan kaasoo ku fushada danahiisa gaarka ah (personal interests).Waa ayaan darro.

 

 

Xigasho Haatuf.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews