berberatoday.com
Ganacsade Ina Aw Siciid Oo Madaxtooyadda ka Codsaday inay Wasiirka Isgaadhsiinta ugu Magacaaban Nin ay Isku reer yihiin+ Magacyada Shaqsiyaadka Uu Soo Dhigay…
May 1, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wararkii u danbeeyey ee caawa laga helaayo qasriga dalka looga arrimiyo ee Madaxtooyadda ayaa sheegaya in ganacsade Maxamed Aw siciid ka codsaday Madaxweynaha iyo xubnaha awoodoodu ka shaqeyso dalka, inay Wasiirka isgaadhsiinta ugu magacaaban Gacan-yarihiisa sida gaarka ah ugu adeegga. Ma jiro war si cad daboolka uga qaaday dhaqdhaqaaqa.

Hase-yeeshee, ilo-wareedyo si weyn ula socda dhaqdhaqaaqa Ganacsaha iyo madaxtooyadda ayaa shaaca ka qaaday in Ganacsade Maxamed Aw siciid ka dalbaday xubnaha aynu soo sheegnayn in wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta laga dhiggo Nin ah Gacan-yarihiisa oo u carbisan amarrada Ina Aw siciid, kaasoo lagu magacaabo Cali Gobonimo, arrintaasoo si weyn ay uga soo hor-jeesteen qasriga Madaxtooyadda, isla markaana ku wargelisay ganacsadahaas, in booska wasiirka isgaadhsiinta loo magacaabi doono Nin kasoo jeedda Gobolka Awdal, kaasoo saami ahaan uga soo jeesan doona.

Waxa kale, oo Wararku intaa ku dareen ganacsade Maxamed Aw siciid markale Madaxtooyadda usoo jeediyey inay sameeyan isku dhaandheyn ballaadhan, taasoo suura-gelisa sidii Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta loogu Magacaabi lahaa Nin dhalasho ahaan kasoo jeedda Beesha Ganacsade Maxamed Aw siciid,

Sid kastaba ha ahaatee, tallaabadan uu ku mashquulsan yahay ganacsade Ina Aw siciid ayaa la sheegay inuu uga gol-leeyahay sidii uu Wasiirka boosaha ugu hubsan lahaa qof aan ka amar qaadan Madaxtooyadda, hase-yeeshee isaga si toos ah uga amar qaata, kaasoo u aaminsan yahay inuu noqon doono Beesha uu kasoo jeedda oo keliya, sidoo kalena, waxa Wararku tibaaxeen inuu ganacsade ina Aw siciid dhaqaale ku bixinaayo sidii Wasiirka loogu magacaabi lahaa Cali Gobonimo, isla markaana xilka wasiirnimo looga tiring lahaa Prof Maxamed Aw Daahir oo ay Isku raas hoose yihiin Cali-gobonimo.

Qorsahan iyo dhaqdhaqaaqyadan xoogan ayaa la sheegay inuu Ganacasahani kaga gaashaamanaayo xadhigga Internet-ka ee Dawladda Somaliland u ogolaatay inay dalka keenan Shirkaddaha Waddaniga ah ee Isgaadhsiinta iyo sidoo kale, Shirkaddo caalami ah oo ay kamid tahay Shirkadda Itoobiya ee Isgaadhsiinta. La socoo wixii kasoo kordhaa.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews