berberatoday.com
” Haddaad Darkii Qabayaaladda Laga Dhaamin Jiray Aad Dul Joogtaa Sidan Madhan Umaad Tiraabteen”..Xisbiga Waddani Oo Ka Jawaabay Eedeyn Uga Timid Wasiir Ku Xigeenka Gaashandhiga
May 1, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Afhayeenka garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu si adag uga jawaabay eedeyn shalay uga timid wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaada Gaashandhiga Somaliland kaas oo xisbiga Wadani ku sifeeyey mid ay dhexdiisa taalo qabyaalad iyo kala qob qob.

dhamme

Waxaana warsaxaafadeedka ay soo saaren garabka Dhalinyaradu u u dhiganaa Sidan

Faraq-bood iyo fulaynimo kugumaan ogayn wasiir, gujada qasriga haka goojin xilkaa laguu dhiibay xaqbaad u leeday, ujeedkiisu ma aha WADDANI xagxago. Yaan lagu bajin caga juglaynta guulwadayaashay haysu dhiibin.

Hadalkaaga dhiilo iyo dhoolatus aad is baraxaysaa iiga baxay. Haddaad darkii qabayaaladda laga dhaamin jiray aad dul joogtaa. Haddi indhihii horee fayooba weli aragooda aad bidhaansanayso sidan madhan umaad tiraabteen.

Wasiir waxaad u muuq eegayd jawharad gudcurtaal, lugtii hore filashadii dhallinta maad xaqiijin. haku noqo kudkii hore, Kaalintood gabayaasha jawaabta Asxaabta ku bariis qadan jiray. Qaranka kaalin ka mudan ta baas ee lagugu soo dhaweeyay ugu foof.

Inaad ka mid ahaato WADDANI iyo inaad ka baxdaaba waa rabitaan qofeed oo adiga kugu kooban. Sallaanka siyaasadda martabadaad kasoo fooshaybuu ahaa Xisbiga maanta lagu yidhi canjarafee, kama xumin haddaad ku iibgalayso xajiintaa. Xisbiga WADDANI inaanad ka mid ahayn kuwa ku yidhi ku baan oo ku dhaaro waa garaad laawayaal garashadaada caayay.

Kalsoonidii iyo kartiddi dhallinyaradu kugu fooladaysay weli edegayadii la toonshay kama bixine is baxnaani mustaqbalka waad u da’ yartee. Wasiir waxaanu kugula talin lahayn inaad ilbaxnimada dhallinyarada iyo aqoonta tolmoon ku tuntuunsato.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews