berberatoday.com
Kormeerkii Xisbiga Waddani Ee diwaangalinta Codbixiyayaasha Ee Degmooyinka Hoos Yimaada Daarasalaam
May 1, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Weftigii SAMA-WADE ee xisbiga WADDANI oo wejigiisii Afraad ka billaabay deegaanada ay ka billaabantay diiwaan-gelintu ee gobalka Maroodi-jeex, ayaa maanta kormeer guud oo ay ugu kuur-gelayaan habsami u socodka diiwaan-gelinta ku soo maray magaalooyinka hoos yimaada degmada Dara-salaam oo dhinaca Waqooyi kaga beegan caasimadda Hargeysa iyo weliba sida oo kale goobo diiwaan-gelineed oo iyaguna ku yaala xaafadda Sheedaha ee Hargeysa.

 

Waxaana weftigan SAMA-WADE oo uu hoggaaminaayey ku simaha guddoomiyaha xisbiga WADDANI ahna hoggaamiye ku xigeenka xisbigaasi Md.Axmed Muumin Seed, sida oo kalena ay ku wehelinaayeen xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka ee xisbiga WADDANI, ay halkaasi kala kulmeen soo dhaweyn aad u ballaadhan, iyaga oo shacabka ku nool deegaanaddaasi ku qaabilay caleemo qoyan, calanka liimiga ah ee xisbiga WADDANI iyo weliba sida oo kale hadalo muujinaaya sida ay diyaarka ugu yihiin in ay ka qeyb-qaataan isbedel dhabba oo shacabka Somaliland u horseeda horumar, caddaalad iyo sinnaanshiyo taam ah.

 

Xubno ka mid ah taageerayaashii WADDANI ee deegaanaddaasi ku soo dhaweeyey weftigii SAMA-WADE ee xisbiga WADDANI oo halkaas hadalo kala duwan ka soo jeediyey, ayaa tilmaamay in ay taageero buuxda u hayaan xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay horseed u yihiin siddii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen isbedelka uu caynaanka u hayo xisbigaasi, iyaga oo iftiimiyey in ay hore ugu hungoobeen xisbiga Kulmiye isla mar ahaantaana wakhtigan diyaar u yihiin siddii ay fartooda ugu bedeli lahaayeen xisbiga Kulmiye oo ay tibaaxeen in ay kala kulmeen hagar-daamo iyo dhibbaatooyin qabyaaladdeed oo aanay hore ugala kulmin xisbiyada kale ee Somaliland.

 

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, xubno ka mid ah hoggaanada iyo guddida fulinta iyo weliba sida oo kale mas’uuliyiinta heer gobal ee xisbiga WADDANI oo dhammaantoodba halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna si weyn ugu mahad-celiyey shacabka deegaanaddaas, waxaana ay ku ammaaneen in ay yihiin shacab u bisil in ay ka qeyb-qaataan isbedelka uu u wado xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana diyaar u ah in ay fartooda ku bedelaan xisbiga Kulmiye.

 

Ku simaha guddoomiyaha xisbiga WADDANI ahna hoggaamiye ku xigeenka xisbigaas Md.Axmed Muumin Seed oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahad-celiyey shacabka deegaanaddaasi qaabkii diiraneyd ee ay u soo dhaweeyeen weftigii SAMA-WADE, waxaana uu tilmaamay in u jeedka ay socdeen aanu ahayn mid olole ah balse ay u soo kicitimeen siddii ay shacabka deegaanada degmada Dara-salaam ay ugu wacyi-gelin lahaayeen qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland, isaga oo ku guubaabiyey in ay si weyn uga qeyb-qaataan qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha si ay uga qeyb-qaataan isbedelka uu horseedka ka yahay xisbiga WADDANI.

 

“Farxad-weyn ayey noo tahay, sida diiran ee aad noo soo dhaweyseen, waanu ku faraxsanahay waana aanu idiin ka mahad-celinaynaa, waxa aanu u nimi maaha olole, waa kaliya in aanu kormeerno qaabka ay u socoto diiwaan-gelintu, waxa aanu u nimi in aanu idin ku dhiiri-gelino idinkuna guubaabino qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland si aad hadhow aad uga qeyb-qaadataan isbedelka uu horseedka idiin ku yahay xisbiga WADDANI, waxa kale oo qaadashada kaadhku ay saamayn xooggan ku yeelan doontaa heli taanka baahiyahiina aas aasiga ah, hadba tirada aad noqotaan ayaa la idin ku qiimeyn doonaa, la idin ku siin doonaa baahiyahiina kala duwan ee waxbarasho, caafimaad iyo weliba qodista ceelal biyoodba oo ay idin fuliso dawladda WADDANI.”.Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews