berberatoday.com
Ma taqaannaa Cadowga Soomaaliland? W|Q- Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”
May 1, 2016 - Written by Berbera Today

Kolka layna leeyahay:qaddiyadda Soomaaliland caalamkaa la hordhigayaa…iyo waddankaa waa in la ga dhaadhacshaa madaxbannaanideenna….iyo waa in citiraafka la raadiyaa iyo hadaltirada kale ee tamashlaha laga dhigtay waxa ka roon wakhti la geliyo wadajirka ummadda Soomaaliland.

Marka hore ba Soomaaliland uma baahna afmiishaarnimo iyo bir baan ku jaray ee waa shaqada dawladda oo ahayd in dawladnimadu si dadban iyo si toosan ba qofka u tusto “lahasho”.
Lahashadaa gunteeda qofku waxu kala soo baxayaa waddaniyadda,lexjeclada iyo qiimiga waddankiisu u leeyahay.Taas lidkeeda ayaa maanta iyo shalay ba Hargeysa taalla,berrina soo muuqata!

Markan oo kale waxa la iswarsan karaa Soomaaliland maxaa la ga faa’iday?
Maansayahankii Keenadiidka ahaa Gaarriye (IHU) isagoo metelaya inta badan waa kii toban iyo sagaal sannadood ka hor lahaa:
Waxaan doonayaa qaran
Qaran dhaama kii dumay…
Qof laba shay isku barbar yaallaan ka la doorshadu waxa ay qofkaas ugu salaysnaanaysaa waxtar iyo waxyeelo,faa’ido iyo khasaare.Qofna waxyeelo iyo khasaare ma dooranayo,haddii kale waxbaba muu kala dooranayn qofkaasi!
Kala doorashadu kolka ay heer ummadnimo tahay waxa isjiidhaya waxyaalo badan, haddaan garasho iyo aqoon lagu salayn.

Kolka Soomaaliland dooddeeda la toydo dad baa yidhaahda ereyo kooban oo muddo lagu celceliyey Soomaaliland beelaa ku wada heshiiyey!
Dhawrkaas erey afsaar,tahliil iyo xirsixidh midna uma noqon karaan Soomaaliland kolka ay Soomaaliland tan iminka tahay iyo haddaanay ahayn ba.
Dadka sidaas qabana waxa ku filnaan karta warcelin odhanaysa:Soomaaliland haddii beelo ku wada heshiiyeen,beelaa ku kala tegi kara!
Kolkaa qalab kale oo Soomaalilad difaaca oo aan muran iyo haasaawe madhan ahayn baa loo baahanayaa.
Maxaa Soomaaliland ilaalin kara si ay baaqi u sii ahaato?
Ma wasaarad Heblaayo qof reer Hebela ha loo magacaabaa,mise in dadka qaar yihiin mujaahidiin saahiday kuwo kalena aanay ahayn?

Dooddii diirsimaadka lahayd ee Axmed I. Samatar ka yidhi SWEDEN , April,10.2016-kii waxu ku soo qaaday munaasibadaha MAY IYO JUUN oo aan Soomaaliland gudeheeda isku meeqaam loo ga wada xusin.Dharaarta 18-ka MAY durbaanno,or,sacab iyo heeso badan baa lagu xafladaystaa,halka 26-ka JUUN na u eegtahay agoon iyo rajo,madax iyo mijo na madasheeda cagojiid baa lagu soo gaadhaa!Halkaas bay ku arooraysey doodda Samatar.

Munaasibadda MAY markasta waxa ay bixisaa sawir!
Sawirkaasi waa SNM oo car iyo bay la`! Haa munaasibadda MAY waxa ay tebisaa sawir odhanaya: dadka qaar baa dadka kale ka sarreeya oo mujaahidiina,halka kuwo kale na aanay ahayn!
Haddana waxa yaab leh in labada kooxoodba la rabo in magaca Soomaaliland ka wada dhexeeyo!
Haa SNM iyo Soomaaliland ma ahan laba isku mida,haddii kale waxa la maagaaya qiyamta ummadda.Ururkii Dhaqdhaqaaqa Soomaaliyeed ee SNM iyo SOOMAALILANDTAN 1991-kii lagu wada heshiiyey in Gobolladii Waqooyi, Jamhuuriyaddii Soomaaliya ka gooni ahaadaan isku mid ma ahan – misana nacabka Soomaaliland labadan bay aad iskugu mulaaqaan!
Soomaaliland haddii ay cadow leedahay ma ahan mid dibad jira mana ahan dad Boorama,Laasqoray amma Laascaanood ku sugan oo Xamar la haysta amma la dhacsan,waa se dadka isku daya in ay taariikhda qaldaan ee SNM Soomaaliland u yaqaanna!
SNM Soomaaliland ma ahayn magacooda iyo xeerkooda midna wax Soomaaliland laydhaahdo ku ma sheegganayn.
Dadka jallaafada u dhiga Soomaaliland waa dad tooda ku cayuuqda,ra’yigooda sharci u yaqaanna,araarta kale ee dadku qabaan na quudhsada oo la yaaba!
Waa dad qabyaaladda qarammeeya,qarannimadana qabyaaladeeya!
Dadkani summado dhawra bay leeyihiin,isku ereyo keliya oo aad mooddo in loox loo gu wada yeedhshey bay meelwal iyo marwalba yidhaahdaan.
Waxa ay ku gefaan dadka Soomaaliyeed iyagoo odhaahyo mutuxan ogaan u yidhaahda.
Xamar iyo guud ahaan ummadda ooshaa deggan marwalba waxa ay ku ceebsadaan nabadgalyo darrada aanay dooran ee wakhtigu keenay.
Itoobbiya waa walaaleheen na aad bay ugu tasbiixsadaan! Dadkaasi sidaas bay taagga ismoodsiiyaan inay wax ugu kordhiyaan Soomaaliland,nacab meel soo tuman na kaga hor joogaan !Waxa runa haddii Soomaaliland ereyo lagu difaaci karo in dadkaas ereygoodu yahay weerar ka dhana Soomaaliland.Waa kuwaas cadowga Soomaaliland ee aan
ogolayn wax-isweydiinta iyo aragtida furan ee aayaha ummadda u adeegeya.

Ma taqaannaa Cadowga Soomaaliland?

Dheellitire@hotmail.com

April 30.2016

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews