berberatoday.com
Madaxweynaha Iyo Wasiiradiisa Xilku Wuxu La Yahay Dheel Dheel Waxaanay Waqtigooda Ku Lumiyaan Maararowga Xafladaha
May 1, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa,April 29,2016(Berberatoday.com)-Madaxweynaheena,ku-xigeenkiisa iyo wasiirada xukuumadiisa in aanay ummadda waxba ugu filneyn wax dan ahna ugu maqneyn waxa laga garran karaa oo u daliil ah furitaanka xafladaha iyo munaasabadaha dhagax-dhigga iyo qalin-jabinta faraha badan ee ay ka soo qaybgalaan.Waliba kaaga darane Mr Siiraanyo iyo Mr Saylici markastoo ay xaflad tagayaanba waxa galin dhan loo xidhaa wadooyinka Caasimadda taasoo ay iyagu ka helaan balse ay dadweynahu karaahiyeystaan.

Kuwa axsaabtuna waabay ka sii liitaan oo xataa xafladaha gudniinka Fircooniga ahi ma seegaan taasoo ku tusaysa inaanay dadka waxba kaga beegneyn isla markaana aanay soo wadin xukuumaddan isla fashilantay wax dhaama .Ciill lama qabeen haday bulshadii munaaasabadda laheyd wax ku soo kordhinayaan ee waxay dadka la hortagaan af-madhan iyo tarorog aan shaqaba ku laheyn mawduucii iyo arinkii markaas la hayey.

Imika shalay madaxweyne Siiraanyo waxa uu tagay xaflad ay Komishanka Doorashooyinku ku qabteen Guuleed Hotel-ka Hargeysa taasoo ay ku sheegeen in looga dan leeyahay furitaanka diiwaan galintii codbixiye-yaasha gobolka Maroodi Jeex.Dabcan madaxweyne dadkiisa wax ugu maqani waqtiba uma heleen xafladdan oo kale.Xataa shaqadiisa maaha inuu faragaliyo hawl maalmeedka Komishanka.Tani waxay  la mid aheyd uun barigii dhaweyd ee uu booqashada ku tagay maxkamadaha taabacsan waaxda Garsoorka taasoo la siman isla markaana ay kala madaxbanaanyihiin waaxda Fulinta.Bal ka warama hadii uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare uu bari yidhaahdo madaxtooyada ama wasaaradda Arimaha Gudaha ayaan soo kormeerayaa?.

Bal qayb dhan oo ummaddii ay masuulka ka ahaayeeen ayaa abaar ba’ani ku habsatay kolkaasaa la rumaystay markii ay yidhaahdeen diiwaan galintii Maroodi Jeex ayaanu hakad bil ah galinaynaa sii aanu abaarta wax uga qabano ,shalay oo bishi dhamaatayna meelna kagamay waramin wixii ay abaarihii ay ku maqnaayeen ka qabteen.

Waa habdhaqan ifinaya xilkasdarrada iyo qayrul masuulnimada kuwa aynu wax ka sugeyno ee xilka umaddu la yahay dheel dheel waqtigoodana ku lumiya maararowga xafladaha maalaayacniga ah

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews