Sir La Helay’Madaxtooyada Oo Ay Ceeb Iyo Afkalaqaad Ku Noqotay Arin Ay Ogalaadeen Oo Hadana Kaga Noqdeen Ganacsato
May 1, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Hargeysa(Berberatoday.com)- Sir weyn oo laga helay madaxtooyada ayaa ka shiftay in madaxtooyada ay ogaalnsho hore ay ubixisey ay kaga noqotay shirkada ha somtel, golis , iyo telecom itoobiya…..
Qorshaha Keebalkan in dalka la keeno ayaa sida la sheegay waxa la bilaabay ka dib markii ay madaxtooyadu bixisay ogolaanshe afka ah iyadoo ay ku xigtay rukhsad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska wasiirka Isgaadhsiintu .Hasa yeeshee madaxtooyada ayaa ka noqotay go’aankeedii hore ee ay ku ogolaatay keebalkan taasoo ay ugu wacneyd cabasho xoog leh oo kaga timid dhinaca mulkiilaha shirkadda Somcable oo maamusha keebal hore dalka loo keenay oo laga soo jiiday Jibuuti halka keebalkan cusub uu qorshahiisu ahaa in laga soo jiido dalka Cumaan.