berberatoday.com
Somaliland”Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Maamulka Puntland Gacanta Ugalisay Gaadhi Lagala Soo Baxsaday
May 1, 2016 - Written by Berbera Today

gaadhigii putlandHargeysa(Berberatoday.com)-Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland ayaa dib u celisay islamarkaana gacanta u galisay gaadhi Landcrusser ah oo uu lahaa madaxwayne ku xigeenka Maamulka Puntland.

 

Gaadhiga2

Gaadhiga waxaa lasoo baxsaday dirawalkii madaxwayne ku xigeenka Puntland oo lasoo galay Somaliland waxaana markii dambe gacanta ku dhigay ciidanka qaranka Somaliland.

Masuuliyiinta ka  socda  wasaarada Arrimaha Gudaha  ayaa  khamiistii Todobaadkii Hore ka anbo  baxay  caasimada Somaliland Ee Hargaysa  Waxaana Ay  Magaalada Oog  kulan  kula yeesheen ciidamada iyo saraakiisha milatariga ee Widh-widh  oo iyagu  gaadhigaasi  gacanta ku soo  dhigan  una soo  gudbiyey  taliska milatarida ee Oog.

Sidoo  kale  Taliyaha Xerada  melatarida ee Oog oo isagu  gacanta ku hayey  Gaadhigani  oo  noociisu  ahaa Landcrusser V8  waxaana  taliyuhu  si  rasmiyaga  ugu wareejiyey gaadhigaasi  masuuliyiihnta wasaarada Arrimaha gudaha  Ee La Taliyaha Wasiirka iyo Waliba Af-hayeenka wasaarada Arrimaha Gudaha.

Waftidan  oo ka  koobnaa Lataliyaha Wasiirka arimaha gudaha   Axmed Xasan Cigaal , af hayeenaka wasaarada  Jamaal Cabdi  Muxumed  iyo  cutub ka tirsan ciidamada  Birmadka   oo uu  hogaaminayo  taliyaha ciidanka birmadka ee gobolka togdheer Siciid Cabdi  Shire (Xaliye)

Waxaana ay  masuuliyiintani  maalinimadii shalay ee jimaca ahayd  ay  si  rasmiya  ugu  wareejiyeen  gaadhigaasi  lasoo  dhacay   saraakiisha ciidamada Puntland.  Iyaga oo  kula kala wareegay  Xadka U  Dhexeeya Somaliland Iyo Puntland.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland  Mudane Cali MAxamed Waran  Cadde  iyo  taliyaha ciidamda Qaranka Ismaaciil Shaqale  ayaa  gacan weyn Ka gestay  Celinta    gaadhigaasi,

Sidoo kale  waxaa dawlada Puntland   lagala hadlay  kharashaad uu tabanayey  wiilka   la soo baxsaday  baabuurka  oo sheegay  inuu  madaxweyne  ku  xigeenka Puntland  ku  leeyahay  Laba Sanno  iyo Badh  mushahar ah.

Kaasi  oo wasiir Warancadde  iyo  Masuuliyiinta gaadhigaasi  wareejisayba ay  kala hadleen  madaxweyne ku  xigeenka Puntland, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland iyo Waliba Taliyaha Ciidamada Boliska ee Maamulka Puntland.

Maamulka Puntland ayaa bishii hore Somaliland kusoo wareejiyay nin lacag ka dhacay magaalada Laascanood kaasi oo taliyaha booliiska Gobolka Sool lagu soo wareejiyay kadib markii uu tagay magaalada Garoowe.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews