berberatoday.com
Ciidamada RRU-da Oo Habeenkii Xalay U Daatay Guriga Sheekh Kamida Culimada Somaliland Ee Hargeysa Xabsigana U Taxaabay
May 2, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumada somaliland ayaa habeenkii xalay ahaa soo xidhay Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame(Aadan Sune) oo ka mid ah culimada somaliland.

aadan sune

Ciidamada amaanka ee loo yaqaano RRU-da ayaa habeenkii xalay  gurigiisa ugu daatay Sheekh Aadan kuwaas oo  markii danbana soo xidhay.

Ciidamada RRU-da ayaa nuskii danbe ee xalay waxay xoog ku galeen guriga Sheekh Aadan Sune oo ku yaala degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo la sheegay inay waxyeelo u gaysteen Guriga isla markaana ay galalafeen caruurtii ku sugnayd.

Sida ay sheegayaan wararku, ciidanka RRU-da  ee u daatay guriga Sheekh Aadan Sune ayaa la sheegay inay  ahaayeen laba xaajiyadood

oo askar ah iyo gaadhiga lagu qaado maxaabiista, mudadii ay ku jireen hawl galka ay ku soo xidhayeen Sheekhana waxay xidheen dhamaanba waddooyinka ka ag dhawaa guriga.

Ciidamadan ayey wararku sheegayaan inay sidoo kale dhibaatooyin u gaysteen qaar ka mid ah dadkii  marayey waddooyinkaka ag  dhawaa guriga Sheekha, kuwaas oo la sheegay inay qaarkood meel gaar ah ku hayeen isla markaana ay ka qaadeen telefanada isgaadhsiinta.

Sidoo kale sheekh Aadan Sune ayaa caan ku ah inuu jeediyo khudbado la xidhiidha sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka lagu hayo diinta Islaamka iyo hakinta fiditaanka diinta Kiristaanka ee bulshada dhexdeeda.

Si kastaba ha aahate Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xukuumada somaliland kaas oo faah faahinaya sababta loo xidhay Sheekh Aadan Sune, balse  sheekha ayaa inta badan caan ku ah inuu jeediyo khudbado uu ugu hiilinayo diinta isla markaana uu mar kasta kaga hadlo xaaladaha taagan ee wadanka gudihiisa iyo dhacdooyinka wadamada islaamka ah.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews