berberatoday.com
Ku Dhawaad 20 Qof Oo Ku Dhintay Roobab Ka Da’ay Kenya
May 2, 2016 - Written by Berbera Today

Nairobi(Berberatoday.com)-waxaa isasoo taraya khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhashay roobab ma hiigaan ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka da’ay qeybo kala duwan oo ka mid ah dalka Kenya.

666

Tirada dhimashada ayaa sare u dhaaftay 18 ruux, halka hanti fara bandanna lasoo tabiyay in ay ku burburtay roobabkaas.

Inta badan dadkaasi ayaa ku dhintay xaafado ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Meelaha kale ee ay saameynta ku yeesheen roobabka ayaa waxaa ka mid ah Degaanada degmada Mandera.

 

Dadka xoolo dhaqatada ah ee ku sugan deegaanka Aresa ee Mandera ayaa cabasho xooggan ka muujiyay dhibaatooyinka ka dhashay roobabkii xoogganaa ee ka da’ay aaggaa.

 

Dhanka kale, waxaa lagu soo waramayaa in gawaadhi badan oo xamuul usiday magaalada Mandera ay ku xanniban yihiin meel u dhow magaalada Madogashe oo u dhow Garisa. Daad ayaa la sheegay inay la socon la’yihiin gawaaridaa oo sidoo kale ay kujiraan basas rakaab ay saaran yihiin.

Mid ka mid ah gawaadhida ayaa la sheegay in buundo Madogashe u dhow ay la go’day dabadeedna uu tog biyo wada ku dhacay. Qaar ka mid ah dadka kunool Madogashe ayaa la sheegay inay usoo gurmadeen oo dhowr qof ay ka badbaadiyeen dhibaatadaa.

Gawaari badan oo jidad kale mari jiray sida jidka 5ta Abaq ayaa usoo leexday waddadaa marta Madogashe kadib markii roobabka oo aad usaameeyay jidadkii kale dartood ay door bideen wadadaa Madogashe.

Gawaari badan oo dad iyo xamuul usida Mandera, Wajeer iyo Moyale ayaa haatan ku xanniban meel u dhow Madogashe.

Badi jidadka gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaan ahayn laami sidaa daraadeedna xirma markastoo roobab noocaan ah oo mahiigaan ah ay hooraan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews