Madaxweynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Aasasaha Iskulka Abaarso Tech Iyo Koox Warfidiyeena Oo Mareykan ah
May 2, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud(Siilanyo) ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay Asaasihii Dugsiga waxbarashada Abaarso Tech. warsaxaafadeed kulankaas laga soo saaray ayaa waxa uu udhignaa sidan hoos ku qoran
Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay Somaliland iyo dhinaca nidaamka dawladnimo, waxaanu yidhi, “Somaliland waa dal dimuquraadiya, oo ku dhaqma nidaamka dunidu ku dhaqanto iyo xeerarka caalamiga, oo ay ka jirto nabadgelyo iyo xasilooni taam ahi, waxanan ku rajo weynahay inaad dunida u sheegidoontaan, waxa wanaagsan eed naga aragteen mudadii aad ku sugnaydeen dalka, haddii aad tihiin warfidiyeenkan dalka soo booqday”. Warfidiyeenadan ayaa dalka ka diyaarin doona barmaamijyo ay kaga hadlayaan qadiyada Somaliland, kuwaasoo la filayo inay daawadaan dad lagu qiyaasay in ka badan 60 malyuun.
Waxa isna halka ka hadlay, aas-aasaha dugsiga abaarso tech Mr Jonathan waxanu ku dheeraaday inuu ka mahad sheegtay sida ay dawladu u gacanqabatay dugsiga uu aas-aasay, isagoo yidhi “Madaxweyne, waxan kaaga mahadnaqayaa qaabilaada aad nagu qaabishay xafiiskaaga, waxa kaloon kaaga mahadnaqayaa sidii muddadii todobada sanno ahayd ee uu dugsiga abaarso Tech jiray aanu gacan uga helaynay, xukuumadda, iyo shacbiga Somaliland oo noo suurtogeliyey inuu dugsigaasi hana qaado Ardayda ka soo baxaydaana noqdaan kuwo caalamiya oo ka qaybgala waxbarashada jaamacado caan ka ah dunida”.
Markii fadhigu soo dhammaaday waxa saxaafada la hadlay wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), wasiirka Macdanta iyo tamarta Eng Xuseen Cabdi Ducaale iyo Aas-aasaha Abaarso Tech Mr. Jonathan.
Xubnaha ka qaybgalay kulanka, waxa ka mid ahaa Maamulaha Iskuulka Abaarso Tech, Mr. James Linville, xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali, iyo Afhayeenka Madaxtooyada.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.