Puntland Oo Ka Hadashay Gaadhi Lagala Soo Baxsaday Oo Ay Xukuumada Somaliland Ucelisay.
May 2, 2016 - Written by Berbera Today
Garoowe(Berberatoday.com)-Ciidamada Booliiska Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa amaan iyo mahadnaq ugu soo jeediyey Ciidanka Booliiska Somaliland kaalintii ay ka qaateen dib u celinta gaadhi lagala soo baxsaday, isla markaana sheegay inuu iskaashi isu-celin ahi u dhexeeyo labada ciidan.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland, Sareeye guuto Cabdirasaaq Yuusuf Af-guduud oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Garoowe, ayaa sheegay in ciidanka Booliiska Somaliland dib ugu soo celiyeen gacantooda gaadhi lagala baxsaday, waxaanu yidhi “Gaadhiga lala baxsaday waxa lahaa ciidanka Booliiska Puntland, waxaanu ka codsanay taliyaha booliiska Somaliland inuu noo soo celiyo, waanu noo soo celiyey. Aad baan u hambalyeynayaa General Fadal, oo naga dhexayso wax isu celin, sidaan annaguba hore dad lacago iyo wax kale la soo baxsaday ugu celinay.”