berberatoday.com
Masdaxweyne Siilanyo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyeeyay Geerdii Naxdinta Laheyd Ee Kutimi Marxuum Xaaji Shide Xaaji Diiriye(Shide Yare)Oo Hargeysa Ku Geeriyooday
May 3, 2016 - Written by Berbera Today

Marxuum Xaji ShideHargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland ayaa dhambaal tacsi udiray Guud ahaan qaranka Somaliland iyo shacabkiisaba isaga oo ka tacsiyeeyay Geeridii Naxdinta lahayd ee kutimi Marxuum Xaaji Shide Xaaji Diiriye Faarax oo kamida ahaa Odayaasha, Culimada Iyo Ganacsatada reer Somaliland oo habeenkii xalay hargeysa ku geeriyooday. dhambaalkaas tacsida ahaa ayaa waxa uu udhignaa sidan

TACSI MADAXWEYNE-03/05/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu tacsi u dirayaa Madax-dhaqameedka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Marxuum Xaaji Shide Xaaji Diiriye oo ku geeriyooday 03.05.2016, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaran oo dalkiisa u soo qabtay hawlo badan oo isugu jiray nabadayn, dib-u-dhis, iyo adkaynta wada jirka dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan gobolka saaxil oo uu ka mid ahaa madax-dhaqameedada iyo ganacsatada gobolkaasi caanka ka ahaa. Isagoo intaa raaciyey Madaxweynuhu inuu ahaa dadkii dedaalka badan u soo galay dib u xoraynta dalka iyo la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa waasaca ah ugu deeqo, jannooyinkiisa balaadhana dejiyo, Madax-dhaqameedka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxman Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews