berberatoday.com
Aqooyaha Maxamed Haaruun Oo Si Cilmiyeysan Uga Hadlay Kalitalisnimada Faysal Cali Waraabe ku sifoobay Kuna Tilmaamay Nin Isku Haysta Mulkiilaha Xisbiga Ucid Iyo Gabay uu Hadhuudhlaha Ku Gooyey…
May 3, 2016 - Written by Berbera Today

Mulkiilaha Xisbiga UCID dadku ma ay fahmin, eedda na iyaka ayaa leh. Mulkiilaha Xisbiga, ma daale Faysal, ahna Gudoomiyaha Xisbiga, ahna Gudoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga, ahna Af-hayeenka xisbiga, ahna xoghayaha maaliyadda ee xisbiga, ahna waxaas iyo wax ka sii badanMulkiilaha Xisbiga UCID dadku ma ay fahmin, eedda na iyaka ayaa leh. Mulkiilaha Xisbiga, ma daale Faysal, ahna Gudoomiyaha Xisbiga, ahna Gudoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga, ahna Af-hayeenka xisbiga, ahna xoghayaha maaliyadda ee xisbiga, ahna waxaas iyo wax ka sii badan, ahna waxyaalo kale oo aan la sheegin, waxa uu ku dhawaaqay in uu Xog-hayihii guud ee xisbiga, Mr Sabca caydhiyay. Alla ninku xariifsanaa. Hooyadii baa nin dhashay. Ma ninka casilay gudoomiye-xigihii xisbiga, ee isaga la sinnaa, ee xubnihii Gudiga Fulinta hal-hal u casilay, ee Gudoomiyihii Golaha dhexe casilay, ee inta aanu casilin ka horn a isagu xilkiisii la wareegay, ee xeer oo dhan ka xoroobay, ayaan halis ahayn? Ma ninkaas baan siyaasi ahayn? Ma ninkaas baa uu shaki ku jiraa in uu Xukuumad dimuquraadiyadda ku dhaadata soo dhisi laha hadii shacbigan xumi fursad siin lahaa? Maya ee taas wax shaki ahi ma ku jiro. Jawaabtu taas weeyan hadiiba aad wax kale odhan lahayd. Sababta ay Somaliland u barwaaqoobi wayday, ee sida Scandanevian ka oo kale caruuraha lacag loogu qori waayay, ee dhalintu u shaqo la’dahay, waa hal sabab uun, mid labaad na ma laha, isla sababtaas oo keliya ayaa uu ictiraafkan lagu wareeray na u iman la’yahay. Anigu sababta waa aan garanayaa, Gudoonshe Faysal na waa uu garanayaa, in la wada garto na Somaliland waa ay u wacnaan lahayd!

 

• Isagoo galgalad kale.
• La hadlaaya Cali-guray
• Wuxuu yidhi guddoonshuhu:
• “Samirkiyo dulqaadkiyo
• Naxariista badan bay
• Dadku igu ogaadeen
• Nafta aad sugaysaan
• Ma awoodahaygaa;
• Yamyam iyo qadaad weyn.
• Xataa caanaleydii.
• Booc ugu tukubayaan.
• Markaan diiri waayaa;
• La i sii qodqodayaa.
• Doofaarka ficil li’I;
• Naar loogu daayimi;
• Kol haddii dubbiyo waran;
• Duunkayga lala dhacay.
• Yaa dabarka igu xidhay?
• Horta maan dagaallamo?
• Anigu maan is daafaco? (Isa sudhan)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews