berberatoday.com
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Kullano Diblumaasiyadeed La Qaatay Guddoomiyaha Guddida Afrika Ee Congresska Chris Smith. Daawo Sawiiradda
May 3, 2016 - Written by Berbera Today

Washintong(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa kulan la qaatay Christopher H. Smith oo ah Guddoomiyaha Guddida Afrika u qaabilsan golaha Congresska Maraykanka, sidoo kale Congressman Chris Smith ayaa Gudidiisu ay golaha Congresska u qaabilsan Washintong(Xogreebnews)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa kulan la qaatay Christopher H. Smith oo ah Guddoomiyaha Guddida Afrika u qaabilsan golaha Congresska Maraykanka, sidoo kale Congressman Chris Smith ayaa Gudidiisu ay golaha Congresska u qaabilsan tahay arrimaha Caafimaadka Caalamka, Xuquuqda Aadanaha iyo ururada Caalamiga ah.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo weftiga uu hoggaaminayey ayaa kulan wakhti dheer qaatay la yeeshay Congressman Chris Smith, iyaga oo ka wada hadlay qodobo kala duwan.

 

Ugu horrayn Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa sharaxaad ka siiyey Congressman Christ xaaladda siyaasadeed ee Somaliland iyo horumarka ay ka gaadhay nidaamka dawliga ah, isaga oo si gaar ah u dul istaagay in Somaliland ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa qaran madax banaan.
Guddoomiye Cirro ayaa kala hadlay masuulkan iyo xubnaha kale ee uu la kulmayba inay ku dhiiradaan, inay horseed u noqdaan aqoonsiga Somaliland, wuxuuna u sheegay in dani ugu jirto Somaliland iyo dawladda Maraykanka. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa kala hadlay masuuliyiinta uu kala kulmay Congresska iyo Senate-ka inay ka shaqeeyaan sidii dawladda Maraykanku ay kor ugu qaadi lahayd mucaawanada ay siiyaan Somaliland.
Congressman Christ Smith ayaa si weyn u soo dhoweeyey weftiga Somaliland isaga oo aad ula dhacay horumarka ay Somaliland gaadhay iyada oo aan caalamka ka helin taageero buuran, wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu si dhow u dhegeysto arrimaha Somaliland oo uu la socon doono.
Guud ahaan kulanka ay yeesheen Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayey iyo Congressman Christ Smith ayaa ku dhammaaday jawi isfaham, iyada oo labada dhinac ay kala qaateen xidhiidhka ay isku dhaafsanayaan warbixinada.
Congressman Chris Smith, waa mudane laga soo doorto Gobolka New Jersey, wuxuu golaha Congresska ku jiray tan iyo sannadkii 1981-kii, waana markii 18aad ee dib loogu doorto golaha Congresska.
Chris Smith oo ka soo jeeda Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka ayaa ka mida mudanayaasha saamaynta ballaadhan ku leh golaha congresska, isla markaana waa dadka sida weyn loo qadariyo kelmedihiisa.
Weftiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland uu hoggaaminayo ayaa intii ay dalka Maraykanka ku sugnaayeen kulano kala duduwan la qaatay Wasaaradda Arrimaha Debedda Maraykanka, Hay’adda Mucaawinooyinka Debedda u qaabilsan Maraykanka ee USAID, Golaha Odayaasha Maraykanka ee Senate-ka iyo Golaha Wakiillada Maraykanka ee Congresska. waana Weftigii ugu horreeyey ee ka socda Somaliland ee hal mar isu mara dhinacyadan oo dhan muddooyinkii ugu Dambeeyey.

Berberatoday.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews