berberatoday.com
Maxay Iska Shabahaan Maxkamadii Wareegi Jirtay Ee Kacaankii Siyaad Bare Iyo Tan Xukunka Ku Riday Salaadiinta Somaliland Ee Mandheera
May 3, 2016 - Written by Berbera Today
SalaadiintaCadaalad darada u weyn ee ka jirta Somaliland waxay baro dhaafisay tii Maxamed Siyaad bare oo lahaan jirtay Maxkamed la odhan jiray Maxkamada wareegta sida tan maanta lagu xukumay salaadiinta Somaliland oo wax danbi ah oo lagu cadeeyey aanay jirin salaadiinta xukunka lagu riday,qofku waxa uu xaq muwaadinimo u leeyahay in uu garsoor qabsato macaal si uu isku difaaco waxa lagu soo oogay si cadaalad xukunkiisa ugu dhaco.

Hadaba waxa beri dhacday sheeko ka caan noqotay dhamaan gayiga Somalidu dagto taas oo maxkamad uu lahaa Maxamed Siyaad bare taas oo u adeegi jirtay Kacaanka Siyaad bare dadkana dil ku xukumi jirtay oo waliba gaar ahaan cadaalad darada ka shaqayn jirtay ayaa maalin iyadoo wareegaysa Jeelka Magaalada Gabilay timi si ay u xukunto nin gaadhi jiidhsiiyey nin kale hadaba waxay dilkii kula khaldantay nin dibi xaday oo isna xidhnaa markii maxkamadii la keenay ayaa Xaakim Geele oo ahaa xukun ridaha maxkamada uu ninkii waydiiyey maxaad ka qabtaa xukunkan dilkaa ee maxkamadu kugu qaaday markaas buu si dagdagaa ninkii ugu jawaabay anigu ma ihi ninkaad sheegayso waxaa laygu haystaa dibi,ka dib Xaakimkii isagoo hadalkiiba dhamayn ninkii baa dil lagu xukumay Ninkii miskiinka ahaa ilaa intii tiirka la saarayey ninkii wuxuu lahaa waar waxaan ahay ninkii dibiga,waar waxaan ahay ninkii dibiga xaday hadaba Salaadiinta maanta lagu dhex xukumay jeelka mandheera waxay la mid noqdeen qisadan oo kale iyagoo wax danbi ah oo lagu cadeeyey aanu jirin ayaa la xukumay oo waliba maxkamad cadaalo daro ah jeel ku dhex xukuntay.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews