Suldaan Xasan Oo Ka Digay Gaabis Ka Muuqda Diiwaangelinta Hargeysa
May 3, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay Diiwaangelinta ka bilaabantay Gobolka Maroodi-jeex, waxaanu sheegay in ilaa hadda gaabis aad u badani ka muuqdo Diiwaangelinta cod bixiyaha.

Suldaanka guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa Shacabka reer Somaliland kula taliyey inay mid ahaadan, qabyaalada oo sida xun loo isticmaalana ka feejignadaan, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya “Diiwaangelintii cod bixiyayaasha gaabis aad u badan ayaa ka muuqda, waxaanad mooda inay dadkii aanay is diiwaangelinaynin, oo kaadhka cod bixiyaha ee doorashada aanay qaadaynin, goobaha la iska diiwaangelinayana waxa aad ku arkaysaa dad aad u yar, waxa se leeyahay oo Shacabka reer Somaliland uguna baaqaya kaadhka diiwaangelinta ee cod bixinta ee aad ku galaysaan doorashada qaata, oo kaadhka cod bixinta ee xaqa iyo xuquuqda aad ku codeeynaysaan qaata, oo fursadaas aad maanta haysataan ka faa’iidaysta, ikhtiyaar ayaad u leedihiin in Musharaxa iyo Xisbiga aad doonto codka sii, laakiin fursadaas aad maanta haysataan ha dhayalsanin, hana dayicina, ee ka faa’iidaysta”.