War Degdega”Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Degdega Ugu Kicitimaaya Jabuuti Iyo Sababta Ka Danbeysa
May 3, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Hargeysa(Berberatoday.com)- Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Deg Deg Ah Ugu Baxaya Wadanka Jabuuti Iyo Sababta Rasmiga Ah Ee Ka Danbaysa
Madaxweynaha Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku casuumay Xafladda caleemo saarka iyo dhaarta Madaxweynaha Djibouti oo bishan dhamaatay mar kale loo doortay Madaxweynaha Djibouti ilo xogogaala ayaa geeska Afrika u sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo u soo diray martiqaad rasmi ah oo uu kaga mid noqonayo Madaxda ka qayb galaysa Munaasibadda dhaarinta oo qabsomaysa 8 May