|
berberatoday.com
Wasiirkii Hore Ee Maaliyada Cabdicasiis Samaale Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Washington
May 3, 2016 - Written by Berbera Today
Samaale waxa kale oo uu ka qayb galayaa shirka Somaliland Conference ee lagu qabanayo Washington DC bisha May 20keeda iyo 21keeda. Kaas oo loogu dabaal degaayo 25-tan guuradii madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland. Shirkaas (www.somalilandconference.com) oo ay ka soo qayb geli doonaan madax ka socota dawlada Somaliland, xisbiyada qaranka, barlamaanka, gudida doorashooyinka, ururada madaxbanaan, iyo aqoon yahano Maraykan ah.
Samaale wuxu mahadnaq u soo jeediyay dhamaan taageerayaasha Kulmiye guud ahaan iyo gaar ahaan jaaliyada Kulmiye ee Washington DC ee sida qiimaha badan ugu soo dhowaysay Airportka. Wuxu yidhi waxaynu isku waraysan doonaa shirka May 7-deeda inoo qabsoomaya, haddii illaahay yidhaahdo.
Berberatoday.com COMMENTS
|
||||
|