Xukuumadda Siilaanyo Oo Xadhig Dheer Iyo Ganax Culus Isku Raacisay Sallaadiintii Waqooyiga Hargeysa Iyo Muuse Biixi Oo Markhaati Sarbeeb Ah Ku Furay
May 3, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa ku guuleystay inay xukun saddex sanadood ah ku riddo Madax-dhaqameedkii ku xidhnaa xabsiga mandheera kuwaasoo saaka lagu ridday xukun dheer oo midkiiba ah saddex sanno.
Maxkamadda gobolka maroodi-jees oo kiiska sallaadiinta ku qaadeysay xabsiga mandheera ayaa Suldaan Mawliid Sabeyso la sheegay inay ku ridday saddex sanadood oo xadhiga. Halka sidoo kalena la sheegay inay chief Caaqil Ibraahin Sulubna ku ridday sadex sanadood oo xadhig ah, sidoo kale, maxkamadda ayaa xukunka sallaadiinta raacisay ganac lagaceed oo ah malaayiin shilinka Somaliland ah.