Fadeexad Weyn”Garyaqaankii Guud Ee Qaranka Somaliland Ibraahim Iidle Saleeban Oo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliya Loo Magacaabay Iyo Caydiid Ilka Xanaf Oo Xilkii Laga Qaaday
May 4, 2016 - Written by Berbera Today
Mudisho(Berberatoday.com)-Guddoomiyihii Maxkamadda sare, Somaliya Caydiid C/llaahi Ilko-Xanaf ayaa maanta laga qaaday xilka, waxaana Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Dawlada Xamar loo magacaabay Ibraahim Iidle Suleymaan oo wiigan horaantiisii iskacasilay Garyaqaanka Guud Ee Qaranka Somaliland isaga oo Muqdisho Kusugana waraaq iscasilaada usoo diray Madaxtooyada Somaliland kagana codsaday in laga aqbalo iscasilaadaas uu dalbaday ilaa hadana aanay Madaxtooyadu wax wara ka soosaarin.