berberatoday.com
“Marxuum Cigaal Waa Shakhsiga Kaliya Ee Nelson Mandela La Qadiyad Ahaa Afrka Oo Dhan”Mujaahid Jidhif.
May 4, 2016 - Written by Berbera Today

jidhifHargeysa(Berberatoday.com)-Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi(jidhif),ayaa ka hadley Qadiyadihii kala duwanaa ee uu Soo marey Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Madaxweynihii Geeriyooday ee Budhigay nidaamka Dawladnimo ee Somaliland.

 

Mujaahid Jidhif oo kamid ah Masuuliyiinta sarsare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa, ku tilmaamay Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal siyaasigii Somaliland u aydey ee budhigay nidaamka iyo Seeska Dawladnimo iyo kala dambeynta intaba isagoo sigaar ah farta ugu fiiqey in aaney soo marin Dunida iyo Afrika marka laga reebo Siyaasigii Mansa-Mandella Qadiyadihii Xadhiga dheer ahaa ee Marxuum Cigaal mudada badan soo muteystey,Waxaanu Mujaahidku sigaar ah u xusey doorkiisii Khudbadaha Siyaasadeed ee uu horeyso iyo dambeyso Bulshada Somaliland kula ambaqaadey Tusaalayaashisii,Falanqeyntii iyo Waliba Murtidiisii uu ku ladhayey Khudbado Badan.

“Waxaan la ilaawi karin halka uu kala mataanaha yahey Mansamandella waa Siyaasiga labaad ee Afrika iyo Aduunkaba laqadiyad ahaa waxeynu ogayn in uu isagoo Raysalwasaare ah dalkii Soomaaliya la isku odhan jirey inqilaab ka dhacey Markii uu Geeriyooday Madaxweynihii Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo la toogtey,Waala wareystey dalkii maku noqoneysaa ayaa la weydiiyay markaa wuxu ku jawaabay oo hadaa ma halkan aan marayo Mareykan ayaan leeyahey waa khasab inaan dalkii ku noqdaa waala xidhay mudo badan ayuu xidhnaa 21kii sanadood ee Afweyne wuxu kusoo qaatey intii badneyd Xadhig illaahay naxariistii jano haka waraabiyo Marxuum Cigaal waxa uu ahaa Shakhsiga kaliya ee la qadiyad ahaa Mansamandella Afrika oo dhan,waxeynaan ilaawi karin Taariikhdiisii baalka dahabka ah aheyd ee Somaliland iyo mudadii uu Madaxweynaha ka ahaa khudbadihiisii kalsoonida lahaa ee murtida iyo sharaxaada,iyo Tusaalaha lahaa sikasta oo uu usoo diyaarsado hadana balaaqadiisa iyo jeedintiisu waa Taariikh maanta u duugan Somaliland qodob la tuuraa kuma jiro khudbadihii iyo halku dhegyadii uu ka tagey,Anigu Jidhif ahaan waan lasoo shaqeeyay waxaan kasoo wada shaqeynay Dhismihii Ciidanka Booliska Somaliland,bilowgiina aniga iyo Cabdi dhiboo ayuu noo mgacaabey oo gacanta ula tagney Dhismaha Ciidanka Booliska inkastoo marar badan nala soo kala dhex galey hadana la,aanti ma suurtowdeen hadaanu gacantiisa ula iman dhismahaasi Ciidanka Boolisku sitoos ah ayaanu uwada xidhiidhi jirney markuu arimo badan ogaadey, qof kasta oo reer Somaliland ah waxa waajib ku ah inuu illaahay u baryo u marxuumka inuu janadii fardowsa ka waraabiyo oo kaalintiisii iyo doorkiisii iyo haykalnimadiisii intaba lagu soo xuso oo lagu xasuusto”Ayuu yidhi Mujaahid Jidhif. Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi.

“Dalka inuu joogo iyo in uu ka maqan yahey waalakala yaqaaney Xaalad kasta oo dalka kajirta iyo dhaqdhaqaaq kasta marnaba ma aheyn wax ka qarsoon,majirin awood kasta oo ay leedahay cid sunaha dawladnimo iyo nidaamka ka leexin jirtey ma jirin cid Ciidamada iyo Golaha Xukuumadiisa u dhexeyn jirtey majirin shakhsi waxaan munaasib aheyn ula tagi jirey, majirin shakhsiyaad Reernimo iyo nidaam qabiil ula badheedhi jirey, majirin masuul ka qarsoon oo Golaha Xukuumadiisa ahi illaahay naxaristii jano hasiiyo inakana ha ina garansiiyo in aynu tubtii fiicneyd ee uu inooka tagey in aynu dhabaheeda hayno”Ayuu Yidhi Mujaahid Jidhif.

Gabagabadii Xukuumada waxa uu usoo jeediyay inaan muran iyo muhmal midna lagalinin Taarikhdii iyo Doorkii uu Marxuum kulahaa Qadiyada iyo Qaranimada Somaliland.

Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Madaxweynihii geeriyooday Somaliland ayaa,had iyo jeer Shacbiga Reer Somaliland bisha may sanad kasta sigaar ah ugu xasuustaan iyadoo 14 sano ka dambeysay markii uu ku geeriyooday Cusbitaal kuyaala dalka KoonfurAfrika Magaalada Biritooriya 3dii may sanadkii 2002dii geeridaas oo si aad ah u taabatey Shacbiga Somaliland mudo laga joogo wakhtigaasi, marka laga reebo Shakhsiyaad Siyaasiyiin ah oo ay aad isu hayeen.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews