berberatoday.com
Premier Bank Oo Daahfuray Adeeg Cusub Oo Aan Hore Dalka Uga Jirin
May 4, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Baanka Caalamiga ah ee Premier Bank, ayaa shalay daahfurey adeeg cusub oo casriya oo uu ka hirgalinayo dalka Somaliland, Adeegan cusub ee loo yaqaan Automated Teller Machine (ATM) oo fursad fiican u ah qurbojoogta iyo dadka Ajanabiga ah, iyagoo Kaadhadhkoodda si fudud ugula  bixi kara lacagtoodda.

Premier Bank waa Baan caalami ah oo xidhiidh la leh baanan badan oo  waddamadda adduunka ku yaalla, waxaanu ruqsad ka haystaa Baanka dhexe ee Somaliland, kaas oo u fududeyn doonna ganacstada iyo hay’adaha caalamiga ah inay si fudud lacagtooda uga saaran karaan.

Munaasibadda daahfurka Adeegan ATM, ayaa lagu qabtay Ambassador Hotel ee magaaladda Hargeysa, waxaana xafladaasi ka soo qaybgallay Agaasimaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdilaahi Xasan, Masuul ka socda baanka Cusub ee Premier Banka Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi  Jibriil iyo dad Qurbojoog ah oo soo dhoweeyey furitaanka adeegam Baankan cusub

Ugu horreyn, Dr. Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi JIbriil ayaa ka warbxiiyey Premier Banka sida uu u shaqayn doono iyo fursadaha uu dadka u leeyahay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Premier Bank waa baan islaami ah oo ka diiwaangashan ruqsadna ka haysta baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Premier Banka waxa uu maanta oo taariikhdu tahay 03/05/016 si rasmi ah uga daahfurnay bulshadda Somaliland markii ugu horreysay adeegyadda Mastercard iyo VISA, isagoo keenay mishiinka lacagta lagla baxo ee loo yaqaan Automated Taller Machine (ATM), kaas oo la jaanqaadaya siyaasadda baanka iyo ujeedooyinka baanka dhexe ee Somaliland oo ku salaysan in la xoojiyo isticmaalka habab lacag bixineed oo casri ah oo kaadhadhka caalamiga ahina ka mid yhiin.

Adeega noocan ahi wuxuu u sahli doonnaa qurbo jooga ku nool dalka dibadiisa iyo socotadda Ajanabiga ah inay si fudud u heli karaan lacagahoodda ugu jira Baananka caalamiga ah marka ay socdaal ku yimaadaan Somaliland, sidoo kale, waxa uu door laxaad leh ka qaadaan doonnaa in ardaydu iyagoo dalkoodda jooga jaamacaddo caalami ah wax ka baran karaan, dadweynaha kalena ay si fudud uga adeegan karaan suuqyadda caalamiga ah ee Internet-ka.”

Dr. Cabdiweli Sheekh oo arrintaasi sii faahfaahinaya waxa uu yidhi “Baanku wuxuu bixin doonaa adeegyo maaliyadeed oo ay ka faa’iidaysan doonaan dadweynaha, ganacsatadda yaryar, kuwo waaweyn iyo Hay’adaha kala duwan ee Somaliland ka hawlgala. Waxa uu sidoo kale hirgalin doonaa adeegyo casri ah oo kaalin laxaad leh ka qaadan doonna shaqo abuurka, wax soo saarka, koboca dhaqaalaha, iyo horumarka dalka guud ahaan.”

“Adeega ATM-ka waxa hadda si toos ah looga heli karaa Ambassador hotel, iyadoo maalmaha soo socdana la hawlgalin doonno ATM-yo kale oo laga dhigi doonno goobo ay si fudud uga heli karaan dadweynuhu. Premier Bank waxa uu sii waddi doonnaa dadaalkiisa uu dalka iyo dadka Somaliland ugu keenayo hannaan maaliyadeed oo casri ah, waxtarna u leh bulshadda.”ayuuu yidhi  Dr. Cabdi weli Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil.

Agaasimaha Baanka dhexe Somaliland Cabdilaahi Xasan Aadan ayaa soo dhoweeyey furitaanka Baankan cusub, waxaanu sheegay inuu dadweynaha usoo kordhin doono adeegyo cusub oo dadka Ajanabiga ah iyo Qurbojooguba kaadhadhkooda ay kala bixi karaan lacagtoodda iyagoo waddanka jooga.

Agaasimaha Baanka dhexe, Cabdilaahi Xasan Aadan oo furitaanka Baankan cusub ka hadlaya waxa uu yidhi “ maanta waxaanu halkan ku daahfureyna adeeg cusub oo ay dalka ku soo kordhiyeen Premier Bank, waxaanu Baanka dhexe Liisanka siiyey Bishii January, 2016-ka, waxaanay buuxiyeen dhamaan shuruudihii looga baahnaa Baan ganacsi ah oo islaami ah, waxaanu ku faraxsanahay in shaqadoodii ku bilaabaan adeeg cusub oo aan dalka hore uga jirin oo ay soo kordhiyaan, wuxuu ku shaqayn doonnaa ATM oo ah mishiinkan uu qofku isagoo kaadhkiisa sita Master Card-ka ama Visa uu lacagtiisa kala bixi karo, adeegan waxa isticmaali kara ardayda jaamacadaha ku jira oo Buugaagta ay u baahan yihiin ku iibsan kara, socotadda dalka yimaada ee qurba joogta iyo Ajanabiga dalka yimaadaba iskugu jira. Premier Bank waa mid sharci ka haysta baanka dhexe Somaliland, Baanka dhexena wuxuu dhiirigalinayaa Baananka ganacsi ee doonaya inay dalka ka  shaqeeyaan, waxaana soo kordhin doonaa maalgashiga iyo horumarinta dalka, waana soo dhoweynaynaa, iyaga iyo kuwo kale ee iman doonna.”

Sidoo kale, waxa isaguna isla goobta lacag kala baxay nin qurbo jooga oo magaciisa la yidhaaa Yaasiin Sheekh, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Hargeysa dhexdiisa uu baankii caalamiga ahaa ugu yimaaddo, isla markaana hadba inta aad doontid kala bixi kartid lacagta aad doonayso.

“haddii aanu qurbo jooga nahay halka ATM ka heli jirnay waxay ahayd Dubia, waxa nasiib wanaag ah in Hargeysa dhexdeedda ka helnay Premier Bank, waxaanu kaga maarmayna xawaaladihii iyo haddii lacag faro badan laguu soo diro waxay leedahay khatarteeda, Laakiin Baankan kolba inta aad doonto ayaad  kala baxaysaa” ayuu yidhi Yaasiin Sheekh oo isla dadkii hortiisa lacag kala baxay Premier Bank ATM.

Si kastaba ha ahaatee, Premier Bank oo ah mid ganacsi oo  caalami ah, ayaa dadweynaha reer Somaliland ugu bushaareeyey in Somaliland u daahfuray adeega ATM, isla markaana uu yahay Baan ganacsi oo islaami ah.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews