berberatoday.com
Shir loogu Diyaargaroobayo Xuska 18-ka May Oo Lagu Qabtay Madaxtooyada
May 4, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa masuuliyiinta wasaaradiisa la yeeshay Shir ku saabsan qaban-qaabada iyo habsami u qabsoomidda sanad guurada 25aad ee dabaaldegga 18-ka May, maalinta la soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland, ayaa ku qabsoontay qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray af-hayeenka madaxtooyada Somalilland oo u dhignaa sidan “Shirkan oo uu gudoominaayey wasiirka wasaaradda Madaxtooyadu Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ay wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Geydh), iyo afhayeenka Madaxtooyada, ayaa iyaguna waxa xaadir ku ahaa dhamaan madaxda waaxyaha iyo qaybaha wasaaradda Madaxtooyadda.

 

Shirkan waxay ka qaybgalayaashu ku lafo gureen ujeedadii laga lahaa oo ahayd sida ugu haboon ee uu u qabsoomayo dabaaldeggan maalmuhu inaga xigaan oo ah mid rubuc qarni ka soo wareegay dib u soo celinta madaxbannaanida dalka, kaasoo la filayo inuu noqdo mid taariikhi ah, iyadoo madaxtooyadu tahay tan tusaalaha u ah qaban qaabada iyo habsami u socodka fantisiyahan wayn ee loogaga diyaar garoobayo gobollada, degmooyinka, tuulooyinka, deegaamada iyo dunida ay ku dhaqan yihiin shacbiga Somaliland.

 

Ka qaybgalayaashu waxay soo bandhigeen, waayo aragnimadoodii dabaaldegyadii hore ee 18-May loo qabtay, wixii goddoloolooyin ah ee ay lahaayeen, kuwaas oo ay taxeen, midmidna loo falanqeeyey duruusta laga baran karo, sidii aanay mar danbe u dhici lahayn, waxaan loo baahnayni.

Rog-rog badan iyo falanqayn dheer ka dib, waxay masuuliyiintu oo uu ugu horreeyo wasiirka wasaaradda Madaxtooyadu, ay soo jeediyeen tallooyinka ugu haboon ee ay u arkayeen inay xal iyo sixitaan u noqon karto wixii laga dooday ee laysla gorfeeyey, iyagoo masuuliyiintu soo jeediyey in meel looga soo wada jeedo, gacmahana laysku qabsado sida ugu toosan ee ay ugu qabsoomayso xuska iyo damaashaadka 18-May, isagoo hore madaxweynuhu ugu dardaaray ummadda Somaliland in sanad guuradan la muujiyo qiimaha iyo qaayaha ay ugu fadhido shacbiga Somaliland maalintani, beesha caalamkana la tuso in aan madaxbannaanida Somaliland aanay wax-gorgortan ah lahayn, kuna daabacan tahay quluubta ummadda, sidii ay uga soo goday so laabashada madaxbannaanidooduna ay ku soconayso.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews