Wasiirkii Kaluumaysiga Oo Berbera Dhuumasho Ku Jooga Iyo Dhaqdhaqaaqyo Uu Kawado Deegaanka Ceelgardi Oo Ruqsad Lagu Dhisanayo Deked Uu Hore Usoo Bixiyay
May 4, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Wasiirka Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Bada Somaliland Cali Jaamac Faarax(Buureed)oo sidii aynu hore usoo sheegnay soo bixiyay waraaq uu ku fasaxayo dhismaha Dekeda macmalka ah ee Ceelgardi isaga oo fulinaya amarada guracan ee kaga imanaya Madaxtooyada ayaa sadexdii maalmood ee udanbeeyay ku sugnaa magaalada berbera isaga oo warbaahinta iyo masuuliyiinta kale ee dawladaba ka dhuuntay kuna gabanaya Hutelka Maansor ee Berbera. Wasiir Buureed ayaa la sheegay inuu dhawr jeer tagay Deegaanka Ceelgardi muadii sadexda maalmood aheyd ee uu Berbera joogay isaga oo halkaas kulamo kula soo qaatay kooxda dhismaha dekedaas ku hawlan ee kasoo jeeda deegaanka Bariga Burco, kulamadaas ayaa la sheegay in lagaga wada hadlay sidii ay suurtagal unoqon lahayd dhismaha Dekedaasi beesha Madaxweyne Siilanyo ku hawlan tahay dhismaheeda Xukumada iyo madaxweynuhuna raaliga kaga yihiin.