berberatoday.com
Wasiirkii Kaluumaysiga Oo Berbera Dhuumasho Ku Jooga Iyo Dhaqdhaqaaqyo Uu Kawado Deegaanka Ceelgardi Oo Ruqsad Lagu Dhisanayo Deked Uu Hore Usoo Bixiyay
May 4, 2016 - Written by Berbera Today

BuureedBerbera(Berberatoday.com)-Wasiirka Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Bada Somaliland Cali Jaamac Faarax(Buureed)oo sidii aynu hore usoo sheegnay soo bixiyay waraaq uu ku fasaxayo dhismaha Dekeda macmalka ah ee Ceelgardi isaga oo fulinaya amarada guracan ee kaga imanaya Madaxtooyada ayaa sadexdii maalmood ee udanbeeyay ku sugnaa magaalada berbera isaga oo warbaahinta iyo masuuliyiinta kale ee dawladaba ka dhuuntay kuna gabanaya Hutelka Maansor ee Berbera. Wasiir Buureed ayaa la sheegay inuu dhawr jeer tagay Deegaanka Ceelgardi muadii sadexda maalmood aheyd ee uu Berbera joogay isaga oo halkaas kulamo kula soo qaatay kooxda dhismaha dekedaas ku hawlan ee kasoo jeeda deegaanka Bariga Burco, kulamadaas ayaa la sheegay in lagaga wada hadlay sidii ay suurtagal unoqon lahayd dhismaha Dekedaasi beesha Madaxweyne Siilanyo ku hawlan tahay dhismaheeda Xukumada iyo madaxweynuhuna raaliga kaga yihiin.

waraaqdii uu hore usoo qoray wasiirka kaluumaysigu ayaa waxa uu kusoo socodsiiyay Gudoomiyaha gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed isaga oo ku wargalinaya inuu dhismaha Dekedaas uu fasaxay isaga oo ku matalaya inay tahay deked yar oo kaluumaysi waxase la sheegay inuu Gudoomiyaha Gobolka Saaxil waraaqdaas kaga jawaab celiyay in aanu arinka dhismaha Dekedaasi suuragalayn Gobolkana uu sidii horeba udhacday khalkhal nabad galiyo daro ka abuuri karo hadiiba arinkaas dib loosoo nooleeyo aan sidiisaas loo dayn hore loogu joojiyay, jawaabta Gudoomiyaha Gobolka Ayaa ucuntami weyday wasiirka oo ay Madaxtooyadu daba kasoo riixayso waxaanu Berbera ilaa hada ujoogaa sidii uu arinkas uhirgalin lahaa islamarkaana uu Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ugu qancin lahaa inuu arinkaas aqbalo kalana shaqeeyo hase yeeshee warar xogogaal ah oo kasoo baxaya ilo ku dhawdhaw gudoomiyaha Gobolka Saaxil ayaa sheegaya inuu Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed arinkaas kasoo horjeestay isaga oo eegaya dhibaatada ka dhaln karta iyo dhacdooyinkii hore uga dhacay binaynta Dekedaas Beeleysan/

Wasiirka kaluumaysiga Cali Jaamac Faarax(buureed) qudhiisa ayaa arinkan aan ku niyad samayn balse waxa uu culays badani kaga imanayaa dhinaca Madaxtooyada Iyo Wasiir Maxamuud Xaashi oo arinkan aad ufoogan sidii uu uhirgalin lahaa sidoo kale Wasiir Buureed ayaa arinkan umaara waayay iyada oo Maamulada dawlada ee Gobolka Saaxil aan arinka lala socodsiin marka laga reebo Gudoomiyaha gobolka mooyaane oo isna ka horyimi mooyaane. Wasiir Buureed ayaa la sheegayaa inuu maalinta Beriya ku laabanayo hargeysa iyada oo aanu wax natiijo ah ka helin arinkii Dhismaha Dekeda Ceel gardi ee Dekeda kaluumaysi lagu matalaayay qorsheheedu sidaas ahaa.

Geesta kale wali waxa kataagan Berbera dareen ay shacabka reer Berbera isha kuhayaan oo la xidhidha Dhacdadii Ceelgardi ee shaqaaqada culus dhalisay iyaga oo aan marnaba aqbalayn in arinkaasi soo noqdo oo la taataabto arinkaas dhismaha Dekedaas Macmalka ah ee aan Qaranku lahayn.

 

Dekeda Ceel garde

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews