berberatoday.com
Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Amar Ka Soo Baxay Guddi Loo Gudbiyey DACWAD Isaga Ka Dhan Ah, Dhex-dhexaadin Laga Galo Khilaafka UCID & Jamaal Oo Afka Ka Xidhay
May 5, 2016 - Written by Berbera Today

“Anigu, Waan Ka Xanaaqaa Dhexdhexaadin iyo Xeer jajab, Hadday tahay Guurti iyo Salaadiinba, Waayo? Waxaasi Wax Loo Baahan Yahay Maaha…” Guddoomiyaha Xisbiga UCID – Wareysi Gaar Ah

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Guddida Diwaangalinta Ururada Siyaasadda Iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Cabdirisaaq Ciyaale ayaa soo saaray qoraal amar ah oo uu farayo labada garab ee xisbiga UCID ee uu khilaafka u dhaxeeyo, islamarkaana ay dacwadoodu hor taallo Guddida diwaangalinta.

Warka 1-aadQoraalkan oo nuqul ka mid ah uu helay Wargeyska Himilo ayaa uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha guddida diwaangalinta ururada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka Md. Cabdirisaaq Ciyaale, kuna taariikhaysan 03.May,2016, waxaanay ujeedadiisu tahay Amar toosin ah, oo uu ku socodsiiyey labada garab ee xisbiga UCID ee dacwaddu ka taallo Guddida Diwaangalinta, waxaanu nuxurka qoraalkani u dhignaa sidan “Waxa la idin farayaa inta dacwaddiina Guddidu go’aan ka gaadhayso, inaad joojisaan dacaayadaha aad isku marinaysaan Warbaahinta ee ku saabsan khilaafkiina iyo inaydaan qaadin wax tallaabooyin ah oo sii huriya khilaafkiina Guddidu ka garnaqayso”.

Ka Sakow, Qoraalka Amarka ah ee ka soo baxay Guddida Ansixinta Asxaabta, Wargeyska Himilo ayaa khadka Telefoonka kula xidhiidhay Hoggaamiyeyaasha labada garab ee xisbiga UCID ee uu khilaafku u dhaxeeyo oo kala ah Guddoomiyaha Xisbiga UCID Inj Faysal Cali Waraabe iyo Musharraxa Jagada Madaxweynaha Ee Xisbigaas Jamaal Cali Xuseen, si uu wax uga weydiiyo dareenkooda ku aadan amarkan ka soo baxay Guddida diwaangalinta.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Inj Faysal Cali Waraabe ayaa ugu horreyn waxa uu ku jawaabay  “Waa farriin fiican, waanan soo dhawaynayaa, waana wax loo baahnaa, annagu markii horeba maanu wadin wax dacaayad ah, ee iyaga ayuun baa caytamayey iyagoo xisbigii ku jira”.

Faysal oo tilmaamaya Ahmiyadda, ayaa sheegay, “Waa wax loo baahnaa, in Hay’adaha Dawladdu shaqeeyaan, oo  ay waajikooda gutaan”.ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya kalsoonida uu ku qabo Guddida Diwaangalinta ee gacanta ku haysa dacwadda khilaafka xisbiga UCID, “Kalsooni iyo kalsooni la’aanba waa shaqadoodii, waana xilkii loo igmaday, ee dhawaana muddada loogu kordhiyey, sidaa awgeed aad iyo aad baan u soo dhaweynayaa”.

Faysal waxa kale oo uu gaashaanka ku dhuftay inay jiraan dhexdhexaadin laga dhex wado labada garab ee uu khilaafku u dhaxeeyo ee Xisbiga UCID, “Waar, waan ka xanaaqaa anigu dhexdhexaadin iyo xeer jajab, haddii ay tahay Guurti iyo Salaadiinba, waayo waxaasi wax loo baahan yahay maaha, waayo sharci baa jira oo sharcigaasi ayaanu ku soconaynaa”. Ayuu yidhi.

Dhinaca kalena, Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo isagu dacwadda u gudbiyey Guddida diwaangalinta ayaa Wargeyska Himilo khadka Telefoonka kula xidhiidhay, si aanu wax uga ogaano dareenkiisa ku waajahan Amarkan ka soo baxay Guddida diwaangalinta, balse Jamaal muu qaban Telefoonkiisa isla-markaana kama soo jawaabin Farriimo qoraal ah oo aanu u dirnay.

 

 

 

Xigasho Wargeyska Himillo

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews