berberatoday.com
Isweydaarinta ILKA-XANAF & Ina IIDLE Oo Dood Ka Abuurtay Baarlamaanka Soomaaliya Iyo Cabdalle X. Cali Oo Ka Hadlay
May 5, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

“Gudoomiyaha Maxakamada Sharciga Ahi Waa Caydiid Ilka Xanaf Xilka Qaadista Madaxweynaha Waxba Kama Jiraan “

Mudisho (Berberatoday.com) Guddoomiyihii Maxkamadda sare, Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf ayaa shalay laga qaaday xilka, waxaana Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka loo magacaabay, Ibraahim Iidle Suleymaan, oo maalmo ka hor uun iska casilay xukuumadda Somaliland oo uu ka ahaa Garyaqaanka guud eeqaranka. Xilka qaadista guddoomiyaha maxakamadda sare ee Soomaaliya oo uu soo saaray madaxweynaha soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu sababeeyey dhinaca da’da oo la weriyey in guddoomiyihii hore kor ay u dhaaftay sideetan jir [waa 85 jir].  hal halWaa markii ugu horreysay oo Jagada laga qaado Garyaqaan Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf oo soo hayay xilkan muddo sannado ah. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa shalay goob uu madaxweynuhu ku sugnaa kaga dhawaaqay xilka qaadista Caydiid Ilko xanaf, kuna shaaciyey Ibraahim Iidle Suleymaan. Xafladda lagu dhaariyay Guddoomiyaha Cusub ee Maxakmadda sare ee dalka   Ibraahim Iidle Suleymaan oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda Somalia, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, wasiirka Cadaalada, wasiir-u-dowlaha Madaxtooyadda, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Taliyeyaasha Booliiska iyo Nabad-sugidda. Madaxweynaha Somalia oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadda dhaarinta ayaa faray dhammaan hay’dahaha Dowladda Soomaaliya inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee maxakmadda sare. “Wasaaradda Cadaaladda, Xeer-ilaalinta iyo Hay’adaha Amaanka waxaan farayaa in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha Cusub ee loo magacaabay Maxkamadda sare ee dalka. Waxaan Rajerynayaa in shacabka Soomaaliyeed tabashooyinkii uu ka qabay garsoorka in badan oo ka mid ah xal loo heli doono, Waxaan Guddoomiyaha cusub ku bogaadinayaa inuu wajaho Tabashooyinbka ay Shacabku ay Qabaan,” ayuu yiri Madaxweynaha . Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiiri-geliyay guddoomiyaha cusub, isagoo u Ballan-qaaday in Dhammaan Hay’adaha Dowladda ay kala shaqeyn doonaa Hawlaha loo egmaday.

 

Doodda Baarlamaanku Ay Ka Qabaan  Magacaabista Guddoomiyaha Maxakamadda Sare

Magacaabista gudoomiyaha maxakamada sare ee Soomaaliya ayaa buuq iyo sawaxan ka dhashay ka dib markii uu madaxweynaha Soomaaliya uu soo magacaabay shalay. waxaanay sheegeen xildhibaanadu in ay sharci darro tahay magacaabista uu madaxweynuhu magacaabay gudoomiyaha cusub ee maxakamada sare. sidaasna waxaa shabakada Xogsoormedia.com u xaqiijiyay xildhibaan Cabdala Xaaji Cali oo ka mida mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya. Cabdala Xaaji Cali   ayaa sharci daro ku tilmaamay xilka qaadista uu Madaxweynaha Soomaaliya ku sameeyay gudoomiyaha Maxakamada sare Mudane Ilka Xanaf. Waxaanu sheegay xildhibaanku inay isugu yimaadeen shir ay ku diidan yihiin xilka qaadista gudoomiyaha madaxakamada sare. Sidoo kale waxaa uu xildhibaanku intaas raaciyay inay awoodooda sharci u isticmaali doonaan madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, talaabadaan uu qadayna ay tahay mid sharci daro ah oo sharciga baalmarsan.  “Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu ku kacay talaabo sharciga baalmarsan, awoodiisana kuma jirto inuu mid kale soo magacaabo , una dhaariyo gudoonka maxakamada sare iyada oo aanay Hay’ada sharci dajinta wadanku ansixin xilka qaadista gudoomiyaha maxakamada sare ee Soomaaliya, talaabadan madaxweyne xasan qaday waxaanu kaga jawaabi doona mooshin sharci oo aanu  ku laalayno magacaabistiisa” ayuu yidhi xildhibaan Cabdala Xaaji Cali.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews