berberatoday.com
Madaxwayne Siilaanyo Oo Qorshe La Xidhiidha Dekedda Iyo Madaarka Berbera U Tagaya Dalka Imaaraadka Carabta.
May 5, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda safar ugu baxo dalka Imaaraadka Carabta. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

siilanyo

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Madaxweyne Siilaanyo uu Imaaraadka u socdaali doono marka uu ka soo noqdo xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Djibouti oo la sheegay inuu saacado kooban ku maqnaan doono. Wararka uu Geeska Afrika helay waxay sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo ay u dhowdahay inuu  dawladda Imaaraadka Carabta la soo geli doono heshiis ay shirkadda Dubai World

( Dubai Ports World) kula wareegi doonto dekedda beerbera iyadoo shirkadani wax loogu yeedhay maalgelin balaadhan  ku samayn doonta dekedda Berbera. Waxaana markaas sida warku sheegay soo gebageboobi doona wada hadalo lixdii sanandood ee uu Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay uu kula jiray shirkado doonaya inay la wareegaan dekedda Berbera.

Lama garanayo haddii uu warkani dhaboobo mudada ay shirkadani gacanta ku hayn doonto dekedda Berbera iyo weliba qaabka uu noqonayo saami qaybsiga Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu.

Sidoo kale, wararku waxay intaas ku darayaan in laga yaabo in Madaxweynuhu Imaaraadka Carabta la galo heshiis kale oo ku saabsan in ciidamadooda cirku isticmaalaan madaarka Berbera, Wargeyska Geeska Afrika ayaa 13 March baahiyay in diyaarad milatari oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabtu sahan ku timid madaarka Berbera. Wuxuu kaloo Geeska Afrika wakhtigaas baahiyay in Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dedaal ugu jiro sidii uu dawladda Imaaraadka Carabta ugu qancin lahaa in isaga la siiyo lacag uu ku sheegay “Awood sharci.”, taas oo ku saabsan in Imaaraadku isticmaalaan madaarka Berbera, waxaanu Xasan Sheekh farriintan u sii dhiibay wasiirkiisa arrimaha dibadda Cabdisalaan Hadliye oo 10 March gaadhay dalkaas Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markaas ka dib wuxuu 22-24 March safar ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, lamana oga in dawladda Imaaraadka Carabtu aqbashay dalabka Xasan Sheekh iyo in kale.

Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne Siilaanyo ayaa laga sugayaa in marka uu u baxayo dalka Imaaraadka Carabta uu umadda u sharaxo ujeedada socdaalkiisa iyo weliba inay jirto heshiiska ku saabsan dekedda iyo madaarka Berbera ee uu Imaaraadka la soo galayo.

 

Geeska

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews