berberatoday.com
Somaliland Oo Qabatay 137 Tahriibayaal Itoobiyaan Ah Iyo Gaadiidkii Lagu Siday
May 5, 2016 - Written by Berbera Today

Wajaale(Berberatoday.com)-Ciidammada Laanta Socdaalka Somaliland, ayaa Magaalada Wajaale ee Gobolka Gabiley ku qab-qabtey Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo Tiradooda lagu sheegay 137 Rag iyo Dumar ah.

TahriibayaashaDadka oo sifo Sharci daro ah Dalka ku soo galay, Isla-markaana doonayey inay soo gaadhaan inay u soo gudbaan dhanka Caasimadda Hargeysa iyo Magaalooyinka kale Dalka, ayaa waxa Qabashadooda ka hadlay Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Cabdirashiid Axmed Xasan, waxaanu yidhi, “Tahriibayaashan oo dhaamaantoodba ah Itoobiyaan waxa ay tiradoodu guud ahaan dhan tahey 137 Tahriibe oo Rag iyo Dumar isugu jira. 96 ka mid ah waxaa laga soo qabtey Nawaaxiga Magaalada Gabiley, halka 41ka kalena aanu kasoo qabaney Tog-Wajaale iyo Nawaaxigeeda. Waxaanu kusoo qabaney afar baabuur oo NOHA ah iyo Raggii wadey intaba waxaananu rajeyneynaa in dhawaan sharciga la hor keeni doono.”

Taliyaha oo sii hadlaya, ayaa sheegay, “Waxaan halkan uga mahad celinayaa labada Taliye Saldhig Boolis ee Degmooyinka Gabiley iyo Tog-Wajaale Axmed Cabdi Daahir (Dacawo) iyo Keyse Suudi Caraale (Dacaw), labaduba wey nagala qeyb qaateen kaalin xoog leh waliba la dagalaanka tahriibyaasha, la’aantood noomay suurtagasheen in aanu Tahriibayaashan oo dhan gacanta ku soo dhigno.”ayuu yidhi.

 

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews