Jamaal Cali Xussen Oo Sheegay In Gudoomiye Muuse Biixi U Jabiyey Xeerki Anshaxa Ee Diwaagalinta Gudida Doorashooyinkana Ugu Baaqey In Ay Taalabo Ka Qaadan .
May 6, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID aqoon yahan Jamaal Cali Xussen ayaa waxaa uu sheeegay in xeerkii anshaxa ee diwaagalinta cod bixiyaasha uu jabiyey gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ka dib markii isaga oo qoorta ku sita calanka xisbigaasi uu soo galay goob diwaangalineed taas oo uu sheegay in ay khalad weyn tahay isla markaana calamada xisbiyadu iyo olaluhuba ay reeban yahiin inta ay socoto diwaangalintu.