Masuulkii Ugu Mudada Dheeraa Masuliyiinta Haydaha Dawlada Ee Berbera Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Mid Kale Oo Lasoo Magacaabay
May 6, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Masuulkan xilka Laga qaaday oo ah Maareyihii Wakaalada Biyaha Berbera Cabdiraxmaan Cartan Geedi ayaa waxa xilkii ka qaaday Wasiirka Wasaarada Khayraadka Biyaha Baashe Cali Jamac waxaana loo soo magacaabay Xilkaas Maareyaha Wakaalada Biyaha Berbera Keyd Cabdillahi Xandulle oo hore u ahaan jiray Maamulihii Shirkada dahabshiil ee Berbera sidoo kalena kamid ahaa Musharixiintii utartantay kamid noqoshada xubnaha golaha deegaanka Berbera balse aan soo bixin oo hadhay isaga oo ka sharaxanaa Xisbiga kulmiye, Masuulka Xilka loo soo magacaabay ayaa sanadkii udanbeeyay aan wax shaqo ah haynin oo kamida aha shacabka reer Berbera kadib markii uu katagay shaqadii Shirkada Dahabshiil ee uu masuulka ka ahaa.