berberatoday.com
Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Sheegay In Shandad Uu Sitay Lagala Cararay Mar Uu Ka Soo Degay Madaarka Hargeysa
May 6, 2016 - Written by Berbera Today

“Madaarkan Ayaan Kasoo Degey, Kadibna Waxa Aan Waayay Shandadii Aan Sitay, Lama Xadin [Shandada] Laakiin…..”- Wasiir Axmed Nuur Faahiye

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Nuur Faahiye, ayaa ka hadlay horumarka uu gaadhay madaarka caalamiga ah ee Hargeysa. Md. Axmed Nuur Faahiye oo ka qaybgalay shir ay bil kasta dhammaadkeeda isugu yimaadaan masuuliyiinta Wasaaradda Duulista iyo shaqaalaha madaarka Hargeysa oo qabsoomay Arbacadii, waxa uu sheegay in madaarka diyaaradaha iyo Wasaaradda Duulistuba soo mareen marxalado iyo waqtiyo kala duwan.axmed nuur faahiye“Runtii, Madaarka iyo Wasaaradda Duulistu ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay soo martay wakhtiyo badan, marxalado adag, maantana waxa ay maraysaa meel aad iyo aad loogu naaloon karo, Jamhuuriyadda Somaliland-na ku faani karto. Madaarkan caalamiga ah ee Cigaal ayaan ka soo degay sannadkii 2007, kadibna waxa aan waayey shandadii aan sitay, lama xadin, laakiin xamaalin ayaa kala boobay oo la yaacay, maantana waxa aynu maraynaa halkaas. Guushu waxa ay ku xidhan tahay in aad samirto iyo in aad dalkaaga u shaqayso,” ayuu yidhi Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Duulistu. Maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal Mr. Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo halkaas ka hadlay, ayaa kula dardaarmay shaqaalaha inay si qurux badan oo nidaamsan ula shaqeeyaan dadka qurba-jooga ah ee dalka ku soo laabanaya waqtiga xagaaga ee sannadkan 2016. “Waxa aynu galnay bishii shanaad oo badhtamaheeda bilaabmo xagaagu oo qurbo-jooga reer Somaliland amma cidkasta oo danaynaysa waddanka ay ku soo guryo noqdaan, arrintaas dadka qurbo-jooga ah ee waddankoodii ku soo guryo noqonaya, laga yaaba dadbadan ayaan dib u soo noqon sidii ay waddanka uga dhoofeen, sida aad la wada socotaan Madaarku waa muraayaddii waddanka, Shaqaale ahaan iyo madaar ahaan, Wasaarad ahaan waxaa inala gudboon in aynu dadkaa ku soo dhaweyno. Dhammaan hawlwadeenada kala duwan ee Madaarku ay ogaadaan qiimaha ay dadka qurbo-jooga ah innaga mudan yihiin,” ayuu yidhi Maamulaha Madaarka Hargeysa. Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Waxaan jecelahay in aynu niyad waasic ah, shaqo hufnaan ah aynu u muujino dadkeena qurba-jooga ah ee dalka ku soo noqonaya, kuwaasoo doonaya inay waddankooda ku qaataan fasaxooda. Dadka qurbo-jooga ahna waxan leeyahay waxa aad ku soo guryo noqonaysaan waddankiinii, waxaannu idiinla diyaar nahay in aannu idiin soo dhaweyno, si aan la idiinku soo dhaweyn garoomada kale ee adduunka ee aad ka gooshtaan amma ka soo degtaan.” Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Mr. Dayib Cismaan Caalin oo kulankaas ka qaybgalay, ayaa ammaan u jeediyey horumarka madaarka Hargeysa, waxaannu yidhi; “Ma arag maalin madaarku ka qurux badanyahay oo ka tababar badan yahay, kana habaysan yahay oo ka dhisme badan yahay oo ka qalab badan yahay, maanta ka horna imay soo marin.” Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland Md. Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan, ayaa uga digay shaqaalaha madaarka Hargeysa inay kala jeclaystaan, isla markaana kala xigtaystaan dadka ka dhoofa, kana soo dega madaarka, balse loo baahan yahay inay si caddaalad ah oo siman ugu adeegaan ummadda. “Waxaan doonayaa in aan u sheego Shaqaalaha Madaarka in innaga lafteennu aynaan soo dhaweynaha ka qaybqaadan, maadaama aynu joojinay, waxaa laga yaabaa mid innaga mid ah in walaalkii imanayo, edadii imanayso amma in Qof aad meel qaraabo ka tihiin uu ka dhoofayo madaarka amma ka soo degayo. Qofka shaqaalaha ah qof dhoofaya amma soo degaya u fududeeya kuyuuga (safka) ee shandada iyo baasaboorka u qaada, isla markaana dhaafiya kuyuuga uu geli lahaa ee uu dadka kala mid ahaan lahaa, markaa qofkaas shaqaalaha ee sidaas sameeya waa danbiile, madax ha ahaado amma minjo ha ahaadee, waxaynu rabnaa dadku in ay sinnaadaan marka ay madaarka soo galaan,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews