berberatoday.com
Gabay Dheeg(Xayir)- Kaftan Siyaasadeed UCID “Siyaasada waa lagu kufaaye, Kaa ha la ogaado”. Qalinkii Cabdirashiid Caaqil
May 7, 2016 - Written by Berbera Today

Gabaygan oo ka hadlaaya xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland iyo duruufaha xisbigga UCID. Waxaana laga soo dheegay ama xayiray gabaygii caanka ahaa ee Ilaahay haw naxariistee Abwaan Ismaaciil Mire. Waxaana tiriyey Cabdirashiid Caaqil “..Kulligood xisbiyadda Rabboow,

qaybsha kimistiiye Kursi madaxweyne kolay ku tahay ama,

kaa wasiiradda Qof kastoo kabtiya ama kalaha,

ama kulmiye raaca Nin weliba wixii loo katibay,

waa la kulansiine Xisbina inaanu soo korodhsanayn,

kaa ha la ogaado.. Ninkase xisbi dhan kaashsadee,

kadin irmaan maala In karuurka uu qubo horay,

kaafka ugu tiille Muuse keligay weeyiyo,

anaa kiin (king) ah baa rogaye Faysal maankiisu waa sidii,

kuray carruureede Kas xumaa hoddaye Kulmiye,

way kala fogaayeene Siyaasadda waa lagu kufaaye,

kaa ha la ogaado. Kelidii ma noqon Jamaal hadduu,

mooday kootaliye Kumanyaal dad ah muu fileyn,

Filim kartoonkiiye Kadeed iyo ciqaab bay badeen,

kaarigii UCIDe Kaskiisba ma gelin Cali Guraa,

Keebka kuu qabane Siyaasadda waa lagu kufaaye,

kaa ha la ogaado Jamaal dhuurta kooraha markuu,

kor ugu laalaayey Faysal Dhurwaa dhay iyo karuur,

kala macaanaaye Misna kala qadhaadhaa dhunkaal,

kulanki dirireede Kur dhanxiira kiiyo leh oo,

kala ka dhaamaaya Ayeey kadabkii go’yoow dadkii,

kala huleeleene Kaysaha adduun malintuu Sabce,

kula kalaamaayey Kelmadduu Haruun lahaa baa,

haatan kula taale Korantiyo Gacaytaa dagaalkii,

Kaalin baas galay’e Ragow kibirka waa lagu kufaaye,

kaa ha la ogaado Anaa kulmiye u hadhi ayuu,

Kaahin eersadaye Keybalkii ina Aw Siciid hadaa,

Loo kaltiriyaaye Karaamo seegtii Jiir ayuu,

kohay gadaashiiye Kaarkuba ma joogeen hadduu,

keeno xikmad badane Darbuu Faysal keenay intuu,

kariyey waabeeye Kala tuure xeerkii intay anshax,

kunana sheegeene Badmaax baa kaboolaha ku daray,

kooxahaas darane Siyaasadaa waa lagu kufaaye,

kaa hala ogaado Mid koodhadh waaweyn sitoo,

si isu kuusaaya Oo kelmadiisu been tahoo,

filim kartoonkaasa Kun wareegto haduu soo saariyo,

weedho kala kaana Oo aanay kaadirkiyo bulshadu,

kowba odhaneeynin Kun jeer Faysaloo dhacay hadduu,

weli kadleeynaayo Somaliland bay ceeb ku tahay,

inuu kor joogaaye Walee kambalkiyo ardaagu,

kelidii taagnane Kuray booda leedada sidii,

Kaaha iyo Xaawa Haduu kuutinaayoo caqliga,

kastar laga saaray Siyaasadaa waa lagu kufaaye,

kaa hala ogaado Kumanaan dad ah buu Jamaal,

keenay berigiiye Kaakici Faysalkii doorasho,

laguna kaalmeeye Waxse kadabkii go’ay maalintuu,

kaday raggiisiiye Kabaalkiisii baa jabay markuu,

kiishka buuxsadaye Ragow kibirka waa lagu kufaaye,

kaa ha la ogaado Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon,

kimis u laabneyne Inta uu kashbacay oo kibroo,
beeno ku kalaamay Yuu niman Kulmiyiyo colba leh,

kaalintood gelaye Ka shib dhaha Adoomigoow naftii, kii lahaa gadaye

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews