berberatoday.com
“Ma Rabo Inuu Dalku Galo Qalalaaso Siyaasadeed..” Ceydiid Ilka-Xanaf
May 7, 2016 - Written by Berbera Today

Moqdisho(Berberatoday.com)-Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare Avv. Ceydiid C/llaahi Ilka-Xanaf oo xalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ayaa meesha ka saaray in dartiis dalka u galo qalalaaso siyaasadeed iyo mid dastuur.

caydiid

Avv. Ceydiid Ilka-Xanaf ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo xil ka qaadista Madaxweynaha, isla markaana uu diyaar u yahay inuu shaqada isaga tago oo uu ka fariisto, maadaama muddo 60-sano ku dhow uu dalka u soo shaqeynayay.

“Dalka sharci ayuu leeyahay waa dhab, wixii sharciga yahay waa sidiisii, wax xaaraan ah anigu ma xalaaleynayo, hadaan danta dalka iyo dadka eegana aniga dhibaateyn maayo, wax aniga igu saabsan dalka uma bur burayo, Shaqo aan jecleysanayo dalka dhibaato uma imaaneyso, qalalaaso siyaasadeed iyo mid dastuur inuu dalka ku yimaadana ma jecli”ayuu yiri Ceydiid Ilka-Xanaf.

Waxaa uu sheegay in markii uu dalka dib ugu soo laabanayay 1994 ujeedkiisa aheyd in Midnimada la xoojiyo, isla markaana wixii markaas ka dambeeyay uu qabtay xilalka Xildhibaan, Wasiir iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeen.

Ceydiid Ilka-Xanaf oo ay wehliyeen Xildhibaano iyo Wasiiro ku heyb ah ayaa xalay la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo la sheegay in markii dambe la ogoleysiiyay Ceydiid inuu aqbalo xil ka qaadista, waxaana jira is faham iyo heshiis hoose oo dhex maray labada dhinac, taasoo ugu dambeyn keentay in Ceydiid ogolaado inuu aqbalo xil ka qaadista.

4-tii bishan ayay aheyd markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda sare Avv. Ceydiid Ilka-Xanaf, iyadoo uu magacaabay Guddoomiye cusub oo lagu magacaabo Ibraahim Iidle Saleebaan oo horay u soo noqday Garyaqaankii Guud ee Maamulka Somaliland.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews