Mujaahid Ibraahim Dhaga-Wayne Oo Ku Baaqay In Mudaharaad Aan Kala Joogsi Lahayn Lagaga Soo Horjeesto Kireynta Dekeda Berbera Ee Xukumada Siilanyo Wado
May 7, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Mujaahid Ibraahim Dhaga-wayne ayaa maanta dadwaynaha reer Somaliland ugu baaqay in la sameeyo mudaharaado aan kala go’ lahayn oo lagaga soo hor jeedo xukumadda Somaliland ee talada dalka haysa isaga oo dhanka kalena ugu baqay in la joojiyo cashuuraha la bixiyo madaama aan dalka waxba loogu qabanayn.
Waxana mujaahid Dhaga-wayne hadalkan ka sheegay madal ay iskugu yimaadeen salaadiinta subeer awal oo ay kaga hadlayeen arimo la xidhiidha salaadin ay xukumadu xidh-xidhay waxaana uu yidhi