berberatoday.com
Taariikhda Markii Ugu Horreysay Oo Maayerka London Loo Doortay Nin Muslim Ah! Ka Bogo Warbixintiisa
May 7, 2016 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Nin Muslim ah ayaa markii ugu horreysay taariikhda ku guulaystay inuu noqdo Maayerka magaalada London ee Caasimadda waddanka Britain. Ninkaas ayaa lagu magacaabaa Sadiq Khan, isla markaana ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha (Labour).

Sadik Kham new Mayer of Of London wins 2016 election

Sadik Kham new Mayer of Of London wins 2016 election

Sadiq Khan oo ah nin Muslim ah, ayaa ku guulaystay oo loo doortay jagadaas, isagoo aan marka hore ka mid ahayn Musharrixiinta sida aadka ah loo hadal-hayey inay ku guulaysan doonaan jagadaas Duqa Caasimadda London.

Hase-yeeshee, ninkan oo uu soo sharraxay Xisbiga Shaqaalaha Britian, ayaa ku guulaystay jagadaas, isla markaana waxa uu xilkaas hayn doonaa afarta sano oo caawa ka bilaabantay. Ninkan ayaa ah Garyaqaan Xuquuqda Aadamaha ka shaqayn jiray, isla markaana soo noqday Mudane Baarlamaan oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha.

Xisbiga Muxaafidka ah ee Conservative-ka oo siddeeddii sannadood ee u dambeeyey xilka Duqa Caasimadda aan Xisbi kale kaga guulaysan, ayaa laga guulaystay doorkan, waxaana soo xidhmay siddeedda sano ee aan booskaas laga riixin.

Maayerka cusub ee London Sadiq Khan, ayaa dhigay Taariikh Rikoodhka London ku cusub,, isagoo noqday Maayerkii ugu horreeyey ee Muslim ah ee Kursiga Duqa London ku fadhiista. Maayer Khan, ayaa da’diisu tahay 45-jir, isla markaana ka mid ah siddeed Carruur ah oo ay dhaleen Qoys ka soo guuray waddanka Pakistan.

Sadiq Aabbihii Khan waxa uu ahaa Darawal kaxeeya Baabuurta Basaska ah ee London ka shaqeeya, Hooyadiina waxa ay ka shaqayn jirtay Harqaan ama Jirqaan, sida uu Talefeshinka BBC-du sheegay.  Hase-yeeshee, isagu waxa uu Culuunta Sharciga ka bartay Jaamacadda North Lond, waa Garyaqaan, waxa uu leeyahay Xaas iyo Laba Gabdhood oo ay Xaaskaasi u dhashay.

Duqa cusub ee London Sadiq Khan, ayey Bulshada Britain, gaar ahaan reer London ay is-weydiinayaan sida uu gudanayo hawsha culus ee xilka loo doortay, maaddaama oo la ogyahay in Maayerka Caasimadda London Sharci ahaan leeyahay Awoodo xooggan oo siyaasadeed. Balse, waxa uu sheegay inaanu cid gaar ah Maayer u ahayn ee uu London iyo reer London oo dhan Maayerkooda yahay. Balse Bulshada Muslimiinta oo ay Soomaaliduna ku jirto, ayaa aad u soo dhaweeyey Ninkan Muslimka ah ee Taariikhda cusub furay.

Waxaa isla caawa-ba Hambalyeeyey Maayerka cusub ee London Maayerro kala duwan oo uu ka mid yahay Duqa magaalada New York ee waddanka Maraykanka, oo sheegay inuu ku faraxsan yahay doorashada Sadiq Khan oo ka guulaystay toddoba Musharrax oo jagadan kula tartamayey.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews