berberatoday.com
“Xukuumaddu Waxay Xukuumad Ku Tahay Inay Ilaaliso Sharciga”Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale
May 7, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay inay Xukuumaddu gabtay waajibaad badan oo ay xaq u lahayd waajibna ka saarnaa inay wax ka qabato, waxaanu sheegay inay waxyaabo badan ay ku fashilantay.

xildhibaan

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sidoo kale Komishanka Doorashooyinka ugu baaqay inay xilkooda u gutaan sida ugu daacadsan,, waxaanu yidhi “Xukuumaddu waxay Xukuumad ku tahay inay ilaaliso sharciga dalka, inay xaq dhawrto xuquuqda dadka, inay sugto amaanka dalka iyo dadkaba, in wixii dhib keeni kara ka hor tagto, khilaafyada dhamayso, laakiin sida muuqata waxay Xukuumaddan Kulmiye ka seexatay waajibadkii saarnaa,oo ay ka mid tahay khilaaf ilaa hadda ka taagan Waqooyi, oo ay awoodi kari weyday inay dhibaatadaas dhamayso, oo waajibkeeda ka guduto, oo ka hor tagto wixii dhib ah ee halkaas ka iman kara, marnaba raali kama ihi mana doonayo in beelo walaalo ahi colaadi soo kala dhex gasho, ee waxaan ku talinayaa haddii Xukuumaddani  awoodi weyday inay khilaafkaas wax ka qabato, in aqoonyahanada, wax-garadka iyo madax dhaqameedka reer Somaliland khilaafkan soo afjaraan, xaaladana wax ka qabtaan ”. 

 Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale ayaa mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Ilaa hadda nuxurka iyo qodobada lagaga hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, Golaha Wakiilada Xukuumaddu umay keenin, waxay ka wada hadleena ilaa hadda cid xogogaal u ah ama ka war haysaa ma jirto, waxaana  la qaatay markii hore oo ay Xisbiyada Mucaaradka iyo Goleyaashu raaceen, laakiin wada hadaladaas la qarsanayo waxay waa taasi dhashay in meeqaamkii Somaliland ee beesha Caalamku hoos u dhac ku yimaado, sidii maamul goboleedadana la inoola dhaqmo, oo loo yidhaahdo Xafiis Muqdisho hoos yimaada ayaanu ka furaynaynaa Hargeysa.

Ta kale waxa ayaan daro weyn ah in masuul ka tirsanaa Xukuumaddan in xil looga magacaabo Somaliya, markaas wada hadaladani khasaare iyo dib u dhac mooye wax faa’iido ah oo ay u soo kordhiyeen Somaliland ma jirto”

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale ayaa mar wuu ka hadlaayey Diiwaangelinta iyo Doorashada ayaa yidhi “Diiwaangelintii Maroodi-jeex waxa ka muuqatay wacyigelin la’aan, waxay ahayd in aad dadka loogu baraarujiyo Diiwaangelinta, imikana waxaan rajaynayaa in inta u hadhay dadku is diiwaangeliyaan.

Komishankana waxaan ka codsanayaa oo aan leeyahay marnaba xilkiina iyo hawshiina qaran ee aad umadda u haysaan yaanu gaabis ku iman, kuna dadaala in Doorashadu aanay dib u dhicin, oo wakhtigii lagu heshiiyey aanay dib uga dhicin”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews