berberatoday.com
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah Loogu Sameeyo Gobolka OHIO Ee Dalka Marekanka (Sawirro)
May 8, 2016 - Written by Berbera Today

Ohio(Berberatoday.com)-Jaaliyadda Somaliland ee Mareykanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo dhawaan Mareykanka ku tagay safar.

1

Boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid Gobollada Mareykanka ayaa ka Qayb-qaadanayay soo dhaweynta C/raxmaan Cirro oo xaflad soo dhaweyn ahayd loogu sameeyay Columbus, Ohio.

Intii ay socotay xaflada soo dhaweynta ah ayaa waxay wafdigu ka sheekeeyeen marxaladda Somaliland ku jirto, sida doorashooyinka soo socda, Is-bedelka siyaasadda, Horumarka iyo aqoonsi-raadinta Somaliland.

Wafdiga C/raxaman Cirro ayaa intii ay ku sugnaayeen Mareykanka waxay sheegeen inay kulammo la qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Mareykanka iyo sidoo kale Jaaliyadaha Somaliland ee Mareykanka, iyagoo ku dhiirri-galinayay wax-qabad muuqda iyo iskaashi.

Caasha Xasan Yuusuf oo ka mid ahayd Wafdiga Guddoomiyaha ayaa ka sheekeysay dhac-dooyin lagu car-qaladaynayo xisbiga WADDANI oo ka dhacay Hargaysa iyo sida loogu baahan yahay in laga gudbi in xisbiyada la caburiyo, waxayna codsadeen in la sii daayo gabadh loo xiray taageero ay WADDANI u muujisay oo wali xiran.

Sidoo kale, Keyse Cali Geeddi oo wafiga ka mid ah, ayaa qurbo-joogta ka codsaday in la taageero xisbiga WADDANI iyo sidii uu hoggaanka Somaliland u qaban lahaa.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali, ayaa isagana aad ugu dheeraaday xisbiga Wadani iyo inay ka go’an tahay inay la wareegaan talada, isagoo codsaday in la tijaabiyo WADDANI iyo Guddoomiyahooda C/raxmaan Cirro si ay isbadal ugu soo kordhiyaan dalka.

Xubnihii wafdiga oo iyaguna mid-mid uga hadlay xafladdaas, waxay ka sinaayeen taageero u raadinta xisbiga WADDANI iyo sidii Jaaliyadda dibadda looga dhaadhicin lahaa inay is-dhinac-taagaan, isla markaana dhaqaalo iyo waqtiba u huraan.

Waxaa kaloo ka hadlay goobta Guddoomiyayaasha Xisbiga WADANI ee gobollada dalka Mareykanka qaarkood oo ay ka mid ahaayeen; Guddoomiyaha xisbiga Wadani ee gobolka Ohio, C/fataax Maxamed Walaaleeye iyo Gudoomiyaha xisbiga WADANI ee Gobolka Tennessee.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland – ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Cirro oo dadka la hadlayay ayaa wuxuu muujiyay suuro-galnimada in isbeddel uu keeni karo WADDANI, isagoo Baaq u diray dadka diiddan Maamulka Somaliland sida Khaatumo inay ka Qayb-qataan doorashooyinka isla markaana la xaliyo wixii is-fahmi waa ah ee jira.

2345678

Isha ku hay Baligubadlemedia

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews