berberatoday.com
Dadwayne Cabasho Wayn Ka Muujiyey Hab-dhaqanka Safaaradda Turkigu Somaliland ku Leedahay.
May 9, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah Dadka ku dhaqan Caasimada Hargeysa ayaa cabasho wayn ka muujiyay habka Safaarada Turkigu ula dhaqanto muwaadiniinta reer Somaliland ee fiisaha uga baahda Safaarada Turkiga ee ku taala Magaalada Hargeysa. Dadkan oo Maanta Saxaafada la hadlay, waxay sheegeen in safaaradu lacag badan ka qaado dadka, hasa yeeshee qofkii aan wadan qof ay garanayaan u diida fiisaha Turkiga ee ay bixiyaan.
C/raxmaan Muxumed Jaamac waa mid ka mid ah Dadka ka cabanayay safaarada. Waxaanu sheegay in Safaaradu ay diiday inay u soo celiso $6500 oo kaga shuban Cisbitaal Turki ah $120 fiigii Fiisaha ah iyo Laba Passaport mar hadii ay sheegtay inaanay siinaynin Fiisihii uu doonayay “ waxaan ka mid ahay Dadka ku dhibaataysan Safaaradda Turkigu ku leedahay Somaliland. Muddo dheer ayay I soo celinayeen, iyagoo si sharci ah iiga qaaday lacag gaadhaysa $120 oo ay ku macneeyeen Fiigii Fiisaha, $6500 igaga shuban Cisbitaalka iyo laba Baasaaboor, waxaanay markii hore ii sheegeen inay bil gudaheen iigu keenayaan Fiisaha aan doonayay hasa yeeshee, taasi ma dhicin. Muddadii bisha ahaydna waxba iigumay dhammayn.” Waxaanu C/raxmaan intaa ku daray oo yidhi   “markaan muddo dheer ku noqnonayay-na waxay igu yidhaahdeen, fiisahaagii wuu gubtay, wax lacag ahna laguma siinayo. Waxaan cabashadayda u gudbinayaa, Maxkamada sare ee S/Land, anigoo ka codsanaya inay Saffaarada iiga qaadaan Lacagtaydii ama fiisahaygii.”
Sidoo kale, Mawliid C/samad aw Muuse waa mid kale oo ka mid ah Dadka ka cabanaya hab-dhaqanka Saffaarada, waxaanu sheegay inay isagana lacag ka qaadeen waliba afar jeer ay ku soo celiyeen waraaqihiisa iyagoo sheegay inay wax ka khaldan yihiin. Markii aan ku noq-noqonayay muddo Shan bilood ah “sidoo kale, waxa jira Hooyooyin iyaguna ku dhibaataysan Safaarada Turkiga iyo waliba muwaadiniin kale oo reer Somaliland ah” ayuu yidhi Mawliid oo dareenkiisu aad u xun yahay oo murugaysan. Mawliid C/samad wuxu tilmaamay in Xafiiska Saffaaradda ay ka jirto Musuq maasuq iyo wax iskadaba marin. “ imika waxa safaaradii igaga xaniban $1500 oo ay iga qaadeen, imikana ay ii diidan yihiin inay I siiyaan lacagtaydii ama fiisihii. Waxana taa igaga daran Wasaaradda arimaha dibada markaan u tago, waxay igu odhanayeen anagaa u tagayna oo dhammaynayna, mana jirto waxay dhammaynayaan.  Waxa taasi ka daran, Wasaarada arimaha dhexdeeda maalin aan tagay waxaanu isku aragnay Safiirka ugu sareeya Safaaradda Hargeysa, waxaanu ii sheegay inaan fiisaha la ii diidi Karin lana siinayo in la ii diidayna aanu ogayn. Waxaanu nahay muwaadiniin dalkoodii jooga, xaqayagiina wuu naga maqan yahay. Lacagtayadii ama fiisayaashayadii waa in nala siiyaa” ayuu yidhi Mawliid C/samad aw Muuse oo Saxaafada la hadlay.
Geesta kale, Boqor Axmed Maxamed Xasan (Bad-madaw) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka reer Somaliland ayaa isaguna isagoo arintan ka hadlaya wuxu sheegay in dhaqanada guracan ee Safaaradu uu ka mid yahay waxyaabo cusub oo inagu soo kordhayay maalmahan dambe. Boqor Axmed Maxamed Xasan (Bad-madaw) oo arimahaasi ka hadlaya wuxu yidhi “ waxa jira muddooyinkii u dambeeyey dad badani inay ka cabanayaan safaarada Turkiga. Dadkaasi oo u
badan Hooyooyin cabanaya oo xanuunsanaya kuwaasoo loo diiday in fiisayaashii la siiyo oo lacagtiina laga qaaday. Markaa sababta loogu diidayna waxay tahay inay yihiin reer Somaliland oo hadii ay aaminsanaan lahaayeen Mabda’a soomaali wayn la siin lahaa.” Waxaanu boqorku intaa ku daray oo yidhi, “ Safaaradu waxay fiisayaasha siisaa dadka Madaxda kaxaysta oo markaaba loo dhammeeyo hawlahooda, halka kuwa kalena aan waxba loo qabanaynin oo lacag badan laga qaadayo.” Ugu dambayntii Boqor Bad-madaw wuxu ugu baaqay Xukuumada Somaliland gaar ahaana Hay’adaha ay khusaysaa inay arintaasi wax ka qabtaan haddii kalena ay iyagu(madax-dhaqameedku) ay wax ka qaban doonaan.
Xafiiska Safaaradu ku leedahay Magaalada Hargeysa ayaa muddooyinkii u dambeeyey u muuqday mid ku shaqaynaya hannaan aan aaminsanayn jiritaanka iyo qaranimada S/land, waxana Dad xogogaal ahi ay sheegayaan inaanay taasi ahayn mid ay qarsanayaan oo ay si badheedh ah u diideen waraaqo Caafimaad oo ay soo qoreen Cisbitaalka guud ee Hargeysa, taa badalkiisana ay ku kalsoon yihiin Cisbitaalo ay gaar u leeyihiin Dad Masaari ah oo Hargeysa ku yaala. Kalsooni-darada ka sokawna dhakhaatiirtaasi gaarka loo leeyahay ay yihiin kuwa ka qiimo sareeya Cisbitaalka Hargeysa, waxana xogta aanu helaynaa sheegaysaa in $75 in lagu qaado cheking-ka Caafimaadka qofkiiba, halka Cisbitaalka guud ee Hargeysana laga qaado $15 qofkiiba.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews