BEKEDDA BERBERA SIDA AY INOOGU MADAX BANAANTAHAY, AYAYNU U MADAX BANAANAHAY.
DEKEDAAS HADDII AY CARAB AMA SHISHEEYE U GACAN GASHO, HA LA ILAAWO SOMALILAND OO SIDII AYNU ISUGU TASHAN JIRAY ISUGU TASHATA.
DJABUTI WIXII AY DUBAI KU SAMAYSAY AYAA INA SUGAYA.
IYADA OO WADDAN JIRA AH, AYAA HADH CAD LA BOOBAY, OO LAGA MAMNUUCAY IN AY DEKEDOODII KA TALIYAAN.
XABASHI AYAA DAGAAL QABOW OO DHAQAALE LAGU BILAABAY, SI DJABUTI LOOGA ERYO.
WAA TAA MAANTA DEKEDOODII WAXA HAYSATA DUBAI.
WAXA LA ISKULA JIRAA MAXKAMAD AAN DHAMAANAYN.
SHACABKA SOMALILAND HA OGAADO, HANTI DEKEDDAS AYAA INAGU HADHAY, WAAR HA LAGA HORTAGO
DUULAAN BAA DEKEDAAS LAGU YAHAY, WAXA LA RABAA IN DAGAAL DHAQAALE XABASHI LAGU FURO, OO XARUN BERBERA LOOGA DHIGO.
MASAR BAA WADA.
DANTEENA MA AHA.
DAWLADO IS HAYA, MAXAYNU U DHEXGELI, OO INAGA GALAY.
HUNGURIGA HALKAA INA GELIYAA INAGUU DIB INOO JEBIN.
BUDHCADA DILAAL DOONKA AH, YAAN LOO OGOLAAN IN AY DEKEDAAS FASAXAAN, OO AY SOMALILAND GOD KU RIDAAN.
ALOW ADAA II MARKHAATI AH, IN AAN KA DIGAY CAWAQIB XUMO, IMAN DOONTA HADDII DEKEDAAS GACANTA SOMALILAND LAGA SAARO.
SOMALILAND HA NOLAATO.