berberatoday.com
Marwo Amina Xirsi Mooge Oo Ku Guulaysatay Inay Kamid Noqoto Soddonka Qof Ee Hormoodka Ka Ah Kobcinta Dhaqaalaha Africa.
May 9, 2016 - Written by Berbera Today

Kampala(Berberatoday.com)-Marwo Amina Hersi Moghe waa gabadh u dhalatay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxanay ka mid tahay maalqabeenada ugu hantida badan dalka Ugand iyo guud ahaan Africa iyadoo shirkado waxsoosaar, warshado iyo ganacsiyo noocyo kala duwan ku leh dalka Uganda iyo wadamo kale oo Afrika ah.

amina

Waxay ka midtahay shakhsiyaadka fara ku tiriska ah ee sida fiican ugu guulaystay horumarinta ganacsiga, isla markaana kaalin weyn ka qaatay maalgashiga dhaqaale ee dalka Uganda iyo shaqo abuurka bulshada gaar ahaan haweenka iyadoo lagu qiyaaso dadka ay hawlgelisay inka badan 6,000 qof oo hablaha waxbartay iyo haweenka u badan

Marwo Amina Hersi Moghe oo waxbadan la qabata jaalliyadda Somaliland, ee ku dhaqan dalka Uganda ee ardayda waxka barta jaamacadaha dalkaas ka midyihiin ayaa todobaadkan ka mid noqotay 30 ganacsade oo abaalmarin caalami (African Economy Builders Grand Prize) ah ku helay inay yihiin shakhsiyaadka hormoodka ka ah kobcinta dhaqaalaha Afrika, gaar ahaan lagu bogaadiyay hoggaaminta toosan iyo hannaanka maamul wanaagga ee ganacsiyadooda hirgalay.

Amina hersi Moghe oo laga soo xulay ganacsatada dalka Uganda ayaa ka mid noqotay dadka abaalmarinahan lagu guddoonsiiyay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast 29th April 2016 kuwaasoo ka kala socday 30 wadan oo Afrikaan. Waxa lagu guddoonsiiyay abaalmarintan madal ay ka soo qaybgaleen inka badan 600 madax, maalqabeenno, hay’ado samafal, suxufiyiin iyo dad caan ah oo Afrikaan u badan iyo martisharaf kale.

Maaha jaa’isaddii ama abaalmarintii koowaad ee Marwadan Somaliland u dhalatay ku guulaysatay intii ku dhex jirtay dunida ganacsiga iyo waxsoosaarka gaar ahaan Afrika balse waxa ka horreeyay qaar badan oo kale oo heer qaaradeed , heer gobol iyo heer caalamiba ah. Wargayska xaruntiisu tahay London ee faalleeya dhaqaalaha dunida (The Economy) ayaa u aqoonsaday Marwo Amina Hersi Moghe inay tahay ganacsadaha haweenka ee sannadkii 2014 Jaalliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Uganda ayaa hambalyo u diraya Marwo Amina Hersi Moghe guusha ay hantiday iyo inay hormood ka tahay dhaqaalaha Afrika.

Marwo Amina Hersi Moghe waxay ka midtahay qurbajoogga Somaliland ee horumarka ballaadhan ku tallaabsaday wadamada ay joogaan ee heer sare ka gaadhay nolosha, isla markaana waxka qaban kara oo door ka qaadan kara geedi socodka horumar ee gayiga qarankooda ay ka soo jeedaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews