berberatoday.com
Somaliland”Wax Soo Saarkii Beeraha Oo Hoos U Dhacay, Tamaandhada, Baradhada Iyo Toonta Hargeysa Lagu Iibiyo Oo Ka Kala Yimaadda Itoobiya, Yemen, China Iyo Masar
May 9, 2016 - Written by Berbera Today

“Suurto-gal maaha in Xabad Toon ah laga keenayo Itoobiya. Dalkeena ayay ku jirtaa ee Dawladdu ha Gacan qabato Beeralayda…” Muwaadiniinta Ka Ganacsada Khudradda

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dal Kasta oo Tacabka Beerihiisu meesha ka baxaan, Hoggaankiisuna Siyaasadda ku mashquulo waxa caadiga ka noqoto in Shacabkiisu dhibaato kala kulmaan Quutal-daruuriga, isla-markaana waxa soo if-baxda halis weyn oo ka soo waajahda dhinaca Cuntada.

Guud ahaan Somaliland, gaar ahaan Suuqyada Magaalada Hargeysa waxa ka jira cabasho aad u weyn oo illaa xad gaadhsiisan, taasoo ku saabsan in khudraddu qiimo sare joogto, iyadoo mararka qaarkoodna la waayo, sidoo kalena waxa la dareemayaa in wax soo saarkii khudradda ee Dalku uu meesha ka baxay, khudradda qaali ahina ka timaaddo Dalalka Itoobiya, Masar iyo Dalka Colaaduhu ka jiraan ee Yemen, sida ay Warbaahinta  u sheegeen Masuuliyiinta Ururka Khudradleyda Suuqa Waaheen ee IIDAAN, kuwaasi oo markii ay ka yaabeen halka xaalku marayo Warbaahinta u soo bandhigay Aafada khudrad la’aanta iyo dhibaatada gaadhay wax soo saarkii Beeraha Somaliland, gaar ahaan Khudradda.

Masuuliyiintan, ayaa Dawladda, gaar ahaan Wasaaradda Beeraha u soo jeediyey in fadhiga laga kaco oo Beeralayda la Maalgeliyo, si Dalka looga saaro xaaladda khudrad la’aanta, taasi oo keentay in Dadka Reer Somaliland ay ugu yaraan Xabuubta (Tamaandhada) ka sugaan Dalalka dibadda.

Guddoomiyaha Ururka Khudradleyda Suuqa Waaheen ee IIDAAN Cabdifataax Ahmed Aw Muxumed oo Xaaladdan uga Warramay Saxaafadda, ayaa si Damqasho leh u soo bandhigay Duruufaha ay waajahayaan Dadka Danyarta ah ee ka Gacansada Khudradda, waxaanu yidhi, “Waxaanu si Xanuun leh oo Damqasho leh uga hadlaynaa markii Dawladda iyo Gacansatada Reer Somaliland ka seexdeen Dadkii Beeralayda ahaa ee Tabcan lahaa ee Wax beeri lahaa markii la maalgelin waayay, waxay sameeyeen inay Biyihiina iibiyaan, Dhuxulna shitaan. Xukuumadda Somaliland, Ganacsatada iyo Hay’adaha Caalamiga ah waxaanu u soo jeedinaynaa in loo gurmado Dadka Beeralayda ah, si Dalku wax ula soo baxo, maaddaama oo markii Dalka gudihiisa khudrad laga waayay Dalka dibaddiisa laga keenayo Tamaandhadha, Baradhada iyo xitaa qajidii. Dhaqaalihii Somaliland wuxuu u baxay Dalalka Dibadda, Sida Itoobiya ee waxaan u soo jeedinayaa Ganacsatada intay Kiish daqiiq ah Dibadda u doonayaan in Lacagtu ku jirto Tamaandhada.”

Haweenay ka mid ah Ururka Khudradleyda IIDAAN, oo iyaduna Warbaahinta la hadashay, ayaa tidhi, “Dawladda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Beeraha waxaan u sheegayaa Suurto-gal maaha in Xabad Toon ah laga keenayo Itoobiya. Dalkeena ayay ku jirtaa ee Dawladdu ha Gacan qabato Beeralayda. Keeska Tamaandhada ahi wuxuu marayaa 500.000 oo Shilinka Somaliland ah, marka dollar loo beddelana ah Dhowr iyo Toddobaatan doolar weeyaan. Dhaqaalihii aynu haysannay Itoobiya ayay isku shubeen, waayo? Itoobiya waxbay beerteen oo woxoogii bay hagaajisteen.”

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews