berberatoday.com
Ururka Vosomwo Oo Beelaha Gabooye Ugu Baaqay Inay Ka Faa’ideystaan Diiwaangelinta ka Socota Maroodi-jeex iyo Khudbado laga Jeediyey Madasha
May 9, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Kulan ballaadhan oo uu soo qaban-qaabiyey Ururka Waddaniga ah ee Vosomwo laguna wacyi-gelinaayo Bulshada Beelaha Gabooye ayaa maanta lagu qabtay Magaaladda Hargeysa. Kulankaa oo ay kasoo qayb-galeen Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Biyaha Mahdi Cismaan Buuri, Marwo Kaltuun oo kamid ah Guddida Doorashooyinka Qaranka, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalim oo isaggu intaa badan uu dooda xuquuqda Beelaha Gabooye iyo sidoo kale, Marti sharaf kale, ayaa si weyn ugu dheeraaaday muhiimadda ay leedahay diiwaangelinta ka socota Gobolka Marood-jeex.

Ugu Horeyn Gudoomiyaha Ururka Vosomwo Faysa Cabdilahi Diiriye ayaa ka warantay muhiimadda kulamada noocan ahi ay u leeyihiin Bulshadda beelaha Gabooye iyo guud ahaan shacabka Reer Somaliland. Marwo Faysa Cabdilahi waxa sheegtay Marxaladihii kala duwanaa ee uu soo martay hawsha Diiwaangelintu, waxayna hadalkeeda ku bilowday. ” ujeedada kulankani waa sidii dadka muwaadiniinta ah ee Beelaha Gabooye, u qaadan lahaayeen Kaadhla Cod bixinta. Kulamada noocan ah horeba Ururka Vosomwo gobollada dalka wuu kusoo qabtay, dadka Beesha Gabooye iyo dadka kale ee xuquuqdu ka maqan codkooda ayey ku ciil baxayaan hadday madaxweyne tahay iyo hadday Xildhibaan tahayba waa waajib inaad isdiiwaangelisaan”.

Sidoo kale, Boqorka Beelaha Gabooye Axmed Iimaan ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay diiwaangelintu waxanu yidhi, “Maanta Waa Fursad oo cidda keliya ee Hargeysa kusoo bixi kartaa waa Beelaha Gabooye oo waxaan aaminsanay inaynu ugu cod badan doono.waxay dun odhan doontaa Caasimadda-ba Gabooye ayaa leh. Waayo dadkii goboladooda ayey dadkii u gureen, marka maaha inay goobuhu madhnaadan, ee waa inay ku xisaabtanaa Codkeena”.

Waxa kale, oo Munaasibaddaas ka hadlay, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalim oo kamid ah Mudanaayasha aqalka wakiiladda, kaasoo inta badan u dooda xuquuqda Beelaha Gabooye ayaa isaggu bulshada ugu baaqay inay is diiwaangeliyaan sidoo kalena waxa uu ka warbixiyey Xeerkaa Kootada Baarlamaanka oo Horyaala aqalka Wakiiladda, waxanu hadalkiisi ku bilaabay, “iyaddoo ay jirto Xeerka Kootaddu, ayey Diiwaangelinta Xeerka Kootaddu ma noqon doono, mid Beel beel lagu kala saaro Beelaha Gabooye, weli qaabka lama dejin laakin marka la ansixiyo kootadda ayaa isna la dejin doonaa. Beesha Gabooye manta haka Faaideystaan beelaha kale eek a dhacsan diiwaangelinta”.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha Md. Mahdi Cismaan Buuri ayaa isna Beesha Gabooye ugu baaqay inay degdeg u qaatan kaadhka Diiwaangelinta Codbixinta, madaama oo xilligu yar yahay, waxanu yidhi Wasiirku. “waxa loo baahan yahay inaad is diiwaangelisaan, oo aad ganacsiga soo gashaan, oo aad bulshadda aad la nooshihiin wax la qaybsataan. Ururka Vosomwo muddo dheer ayuu hawla noocan ah soo wadday, waxanu dhisay heerka aqoontooda, marka la leeyahay beesha gabooye maha Beel keliya, dee marka la yidhahdo beelo ayaa wax qaybsanaaya, iyana waxa la odhanayaa beel keliya waxku siiya hadday Kooto tahay iyo hadday wax kale tahayba, taasina waxa loo baahan yahay in Hoos loo eeggo”.

Marwo Kaltuun oo kamid ah Guddida Doorashooyinka ayaa ka hadashay mudada u hadhay Diiwaangelintu inay ka socoto gobolka Maroodi-jeex waxanay tidhi “waxaynu u baahanay inay bulshada si weyn uga qaybtaan diiwaangelinta hadda ka socota gobolka maroodi-jeex oo mudadii badhna way tagtay inna way hadhay, sida daraadeed, hadhow yaan la caban, sidoo kale, waxaan ka codsanayaa Beeshan Gabooye inay si weyn uga faa’ideystaan diiwaangelinta oo ay qaatan kaadhka Codeynta Doorashadda. Waxan ururka Vosomwo iyo bulshadaba ugu baaqaya inay dadkan iyo bulshada Somaliland-ba ku baraarujiyaan sidii ay reer Hargeysa isku diiwaangelin lahaayeen”


COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews