berberatoday.com
Golaha Baarlamaanka ee JSL mala Siin doonaa fursad ay ku siiyaan ” Shahaadad Maalgashi ” Shirkada DP World ee Quud-daraynaysa Maalgashiga Dekeda Berbera. qalinkii A/fidhinle UK‏
May 10, 2016 - Written by Berbera Today
Bisinka iyo Tabariga iyo Tiirarka adag!   Ma kanaa Aloos iyo Agaasin Maalgelin ah ?  Waa Qaliban !!  Waa Suke !  Waa Doog dhabasho iyo Doogsin carar !!
Ma Qataabsi …. Mise Qadhaabsi …mise Qadhiidh iyo  Qudh-Qudho joogto?…!!   Dooh…Dooh iska iska daa  !! . Didibsana xaalkeeda dhaaf ee Doobirta uun ay cuskano  !!
Allow Doobir… Doobir….Doobir  !!
Kuy’e  Baleysinka Ujeedada Heshiisku waa dhismaha Wadada Berbera Corridor, Waa arin wanaagsan haduu hirgalo !
Kuy’e  Bud-dhiga Heshiisku waa Dayactirka iyo Balaadhinta Dekeda Berbera, Horumarinta Dalxiiska iyo Hotelo 5 Star ah oo la bineeyo.  Waanu soo dhaweyneynaa !
Kuy’e  Waxaa intaa Weliba sii dheer Horumarinta Dhinca Beeraha , Horumarinta Tamarta iyo Korontada. Waa jawi shaqo abuur oo loo baahnaa oo  Allaa Mahadaa leh !
   Hadaba Su’aalaha shacabku isweydiinaayo ayaa kala ah -:
 
–  Ma cad yahay oo Tooshka ma lagu shiday Nuxurka heshiiskan ? Ma la hor keeni doona Nuxurka heshiiskani xanbaarsan yahay Golaha Baarlamaanka ?
 – Ma bislaanayaan oo dha-dhan iyo dhumuc ma yeelan doonaan midhaha  Mashruucaa balaadhani ?
–  Ma la cabiray oo dhu-dhun ma lagu dhereriyey goorta la guran doono iyo Yeelka iyo Weelka lagu guran doono ?
– Ma cadahay oo ” Ma Xaliban tahay” hantida  dib loogu maalgelin doonaa Mashaariicdan? Dhayda ma ka cadahay mudada la kala saxeexday iyo waqtiga uu bilaabmaayo ?
– Maxaa Mashruuca laxaadkaa leh haduu xalaal yahay loogu daabici waayey war baahinta UAE, ee xataa Websaydhka Shirkada DPW loo soo gelin waayey ?
– Kharaj intee leeg ayey shirkada DPW dalkeena ku maalgelinaysaa oo ku aaminayaan ileyn dawladnimo inooma ictiraafsane’e ?
Iyada oo  Dalku ku jiro waqti kala guur oo ay xukuumada u hadhay 10 bilood oo keliya , hadana ay wacan tahay in la taageero mashaariicda horumarineed ee dalka u soo kordha mar kasta,Waxaa hadana aqoon yahanka iyo fogaan araga  reer Somaliland isku raacay markii ay sameeyeen “Jimicsi Maskaxeed”  in qodobadan hoose ay xakameynayaan Maalgashigan Dekeda Berbera oo waqtigan u muuqda mid midiroorteysan oo ka gaadhsiis ah .
1- Somaliland ma dhameys tirna oo waa wada qabyo sharcigii iyo xeerarkii seeska u ahaa maalgashiga caalamiga ah iyo wareejinta hantida maguuranka ee qaranka.
2-Somaliland malaha Caymis qaran ama ( insurance company ) Damaanad qaadi kara hadii khasaare ku dhaco Shirkadaha Caalamiga ah ee Maalgashiga u yimaada JSL.
3- Somaliland Waa dawlad musuq-maasuq hadheeyey oo aan laheyn Baanan Caalami ah oo aaney Shirkadaha Caalmiga ahi aamini karin Xawaalado Baanan isbiday.
4- Somaliland malaha maxkamado adag oo madax banaan oo cadaalada ka xaq soori kara ilaa iyo heer Caalami.hadii khilaf soo dhex galo shirkadahaa iyo dawlada.
6- Somaliland ma aha dawlad aduunku ictiraafay oo damaanad qaadi karta maalgashiga shirkado baaxad leh oo caalami ah sidaa daraadeed waxay lingax iyo maxlal  unoqoneysaa marka wax la kala saxeexanaayo dawlada Federaalka ah ee Somalia.Taas oo ka hor imanaysa gooni isu taagii JSL oo ka dhigaysa SL Dawlad Goboleed Somalia ka mid ah sidii ka muuqatay meeqaamkii Madaxweyne Siilaanyo loogu soo dhaweeyey xafladii Caleemo saarkii Madaxweynaha Jabouti
7- Somaliland Waxaa wada qabyo ah dhamaan xuquuqdii dalkan ay ku lahaan lahaayeen shaqaalaha ajenebiga ah iyo shirkadaha  maalgashanaaya  Dalka JSL.
8- Somaliland xeerarkeeda yar yar ee Maalgashi ee qabyo qoraalka ahi kama diiwaan gashana Hayadaha qaabilsan  Maalgashiga Caalamka.
9-Dhamaan Shirkadahii quud-dareynaaya Dekeda Berbera  iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland  weli codsi gaar ah oo maalgashi umay soo gudbin Golaha Baarlamaanka Somaliland si ay u naaqishaan una ogaadaan baaxada maalgashi iyo faaidada iyo khasaaraha dalka ugu jirta.
10-  Sida Caadiga ah Caalamka waa in shirkaduhu codsi maalgashi soo qortaan oo u soo  dirtaan Dawlada dhexe iyo Baarlamaankaba  inta aan waxba la kala saxeexan.
11- Sharciyada aduunka ee maalgashigu waxay qorayaan in Golaha Baarlamaanku ay maalgashadeyaasha siiyaan ” Shahaadad Maalgashi ” oo shisheeye oo Mudeysan oo Diiwaan gashan kadibna loo ansixiyo shirkadahaa in ay wadanka maalgashadaan.Taasina hada kamay dhicin Somaliland , tusaale  ahaan shirkadihii badnaa ee la siiyey Liisanka ay dalka shidaalka kaga baadhayeen waxa hawshoodii loogu dhameeyey xayndaabka madaxtooyada oo lama soo marin Golihii Baarlamaanka si ay u ansixiyaan oo ay muraadkooda uga gutaan. Hadii ay taasi dib udhacdana waa arin mar labaad burinaysa xeerarkii iyo Dastuurkii dalka u yaalay.
 Shirkadan hada quud-dareyneysa in ay la wareegto Dekeda Berbera ee lagu magacaabo Dubai Port World ( DPW ) Waa shirkad weyn oo ku caan baxday in ay  laba listo oo maalgashato Dekedo badan oo qaaradaha aduunka ku kala yaala laakiin waxay ku fashilantay qaar badan oo mandaqadeena ku yaala sida:
1- Waxay mudo maamuleysay oo ay ku fashilantay Dekeda Baaxada leh ee D-Jabuoti , taas oo ay maxkamado isku saareen cariga ingiriiska caasimadiisa London.
2- Waxay ku fashilantay in ay maamusho oo horumar la taaban karo ay gaadhsiiso  Dekeda Sinigaal  oo ay iyana ragaadisay oo ay  maxkamado isla galeen
3- Waxay ku fashilantay oo ay baabiisay oo qalabkiina ka furatay Dekadii caanka aheynd ee Cadan oo iyana hada ku danbeysay gabaahiir kaluumeysatadu isticmaasho
Sidaa daraadeed shaqsiyan Shirkadani  ( DPW ) Waxay doneysaa in ay  Dekeda berbera hantido oo ay shirkadaha kale ee xiisaynaaya in ay maalgashadaan ay ka hor joogsato si aanay ula tartamin ee maaha shirkad ay ka go’an tahay in ay Dekeda dhisto, balaadhiso oo dalka iyo dadkaba wax ku soo kordhiso waxaana tusaale fiican oo la taaban karo inoogo filan sifeyaashii ay ugu fishilantay  ee ay u baabiisay Dekadii D-Jabouti ee ka balaadhneyd baaxad ahaan Dekeda Berbera.
.Danta guud ee shacabka Somaliland Waxay ku jirtaa maanta in la foojignaado oo Dalka la Badbaadiyo laguna soo dabaalo midnimo iyo shuruucda iyo Dastuurka inoo yaala.
                                                    Waxaan idiinku soo garoocayaa maanta , Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu gey geyso !!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews