berberatoday.com
uma arko inay Faa’iiddo inoo leedahay Shirkadda Dubai World, sababo badan awgeed ?
May 10, 2016 - Written by Berbera Today

Heshiiska DekedaHeshiishka Somaliland la gashay shirkadda Dubai World uma arko inay faa’iiddo u leedahay qarankan, dhawr arimood awgeed, waxaanse ka jeclaa in heshiish lala galo shirkadda Balor ee Faransiiska laga leeyahay:
Sababta aan ku diidanahay shirkadda Dubai World waxa ka mid ah:
1: Shirkadda Dubai World waxa laga leeyahay dalka isku tagga imaaraadka Carabta, waxanay ka mid tahay dekadaha aynu la tartamayno ee mandaqadda ku yaalla,waliba waa shirkad ay leedahay xukuumadda Imaaraadka Carabtu, sidaa darteed, shirkada Dubai World ma ogola inay ka hor mariso dekadeeda iyo inay soo baxdo dekad la tartanta ama ay u dhowaato, waayo dee Suuqeedda ayey la qaybsami, dal-na ma ogola in khayraadka wadankiisa lala qaybsado ama lala tartamo.
2: shirkadda Dubai World waxay hore sidan oo kale heshiish ula gashay dalka Jabuuti si dekadeedda u horumariso, wax buurana kama qaban, dawladda Jabuutina marka ay aragtay sida aanay u shaqaynayn way ka joojisay shaqaddii heshiishkiina way laashay.
3. dekadda Cadan ayey isku dayday inay la wareegta taasna hoos dhac weyn bay ku riday oo saaxaddaba way ka baxday.
4. dekadda Berbera waa kii afraad ee ay ka cabsi qabtay inay la tartanto dekadda Dubai, dekadda Berbera waxay ku taallaa meel istaarijiya oo caalamka oo dhan isku xidhaysa, haddii la horumariyo waxa hoos u dhac weyn ku imanay dekadaha gobolka ee la jaarka ah oo ay ku jirto Dekadda Dubay, sidaa darteed, shirkadda Dubai World marna laga sugi maayo horumar ay ku samayso, hoos u dhac ay ku keento mooyee.
Shirkadan Dubai marka ay aragtay shirkadda Balore oo doonaysa inay heshiish la gasho Somaliland ayey soo gashay tartankan, si aanay dekadda loo dhisin, marka ceebay inagu tahay in Dekad aynu la tartamayno shirkadeeda tidha waxaad idin dhisaya dekadiina.

Maxaan ku doortay shirkadda kale ee Balor ee Faransiiska laga leeyahay:
———————————————

1:Faransiiso inagama dhexeyso tartan dekadeed, dal inoo dhowna maaha, marka waa laga yaabaa inay horumar weyn ku samaysan lahayd dekadda Berbera.
2. shirkaddda Balore waxay ka shaqaysa dekadaha galbeedka AFrika, horumar la taaban karayana way ku samaysay.
Shirkadda Balore danno ah iyo maslaxo kale oo ay dekaddeena hoos ugu dhigi kartaana ma jirto, sidaaa darteed, waxa qaran ahaan inoo fiicnaan lahaa waa shirkadda Balore ee Faransiiska ah oo aan isleeyahay dekadda mid caalami ayey ka dhigi karta.

W/Q Barkhad-ladiif Mohamed Omar
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews