Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland Dr Sacad Cali Shire Oo Beeniyay In Maareyihii Dekeda Berbera Xilkii Laga Qaaday
May 10, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka arimaha Debeda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo aanu la xidhiidhnay ayaa beeniyay in Xilkii Maareyenimo laga qaaday Maareyihii Dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed(Cali Xoorxor) waxaanu wasiirku sheegay in wareysi laga qaaday maanta markii uu dalka kusoo laabtay laga been abuuray hadal aanu odhan balse kaliya uu kawar bixiyay qorshaha Dekeda lagu maamuli doono iyo shirkada laga kireeyay ee dubai World. Waxaanu wasiir Sacad cali Shire hadalkaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raadtoona lahayn oo cidii tabisay ay siday doonayeen Ufaafiyeen hadalkiisiina ay majar habaabiyeen.