Bangladesh”Hogaamiye Xisbi Islaamiya Oo Dil Deldelaada Lagu Fuliyay
May 11, 2016 - Written by Berbera Today
Dhaka(Berberatoday.com)-Bangladesh ayaa xukun dil ah ku fulisay hoggaamiyihii xisbiga islaamiga ah ee ugu weyn waddankaas, ayadoo loo haystay inuu galay dambiyo dagaal intii uu socday dagaalkii madaxbanaanida ee ay kula jireen Pakistan 1971.
Maamulayaashu waxay sheegeen in Motiur Rahman Nizami lagu deldelay xabsiga dhexe ee Dhaka.
Mr Nizami oo ahaa hoggaamiyaha xisbiga Jamaacatul Islaami, ayaa lagu riday xukunno isugu jira xasuuq, kufsi, iyo inuu abaabulay dil aan cidna loo aabo yeelin intii uu dagaalku socday.