Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare Oo Xilkii Kala Wareegay Guddoomiyihii Hore
May 11, 2016 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com-Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka Soomaaliya Dr. Ibraahim Iidle Suleyman, ayaa xilkii kala wareegayay guddoomiyihii hore ee Maxkamada sare Mudane Caydiid Ilka-xanaf.

Xaflada xilka kula kala wareegayeen masuuliyiintan ayaa waxa lagu qabtay xarunta Maxkamadda Sare, waxaana ka soo qaybgalay Raysal Wasaare ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte, Wasiiro, xildhibaano, saraakiil iyo howlwadeenada garsoorka, waxaana halkaasi khudbad ka jeediyay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Carte, isaga oo ku tilmaamay isbadal taariikhi ah oo dhanka Garsoorka.